Muujintii 9:2 - Kitaabka Quduuska Ah2 Markaasay waxay furtay ceelkii yamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen. Faic an caibideilKITAABKA QUDUUSKA AH2 Markaasay waxay furtay ceelkii yaamayska, oo ceelkii waxaa kor uga soo baxay qiiq u eg qiiq foorno weyn; oo qiiqii ceelka aawadiis ayaa qorraxdii iyo hawadiiba gudcur la noqdeen. Faic an caibideilEreyga Illaahey Axdiga Cusub2 Markii uu furay bohoshii, waxaana kasoo baxay qiiq u eg qiiq ka imaanaya dab weyn. Qoraxda iyo cirkaba qiiqaas ka yimid bohosha ayaa modow ka dhigay. Faic an caibideil |
Oo maalintaasu waa maalin mugdi iyo gudcur ah, oo waa maalin cadar ah oo gudcur qaro weyn ahu jiro, oo waxay u imanaysaa sida kaaha waaberiga buuraha ku dul faafa. Bal eega dad tiro badan oo xoog weyn! Dadkaas wax la mid ah hore looma arag, oo iyaga dabadoodna wax la mid ahu ma jiri doonaan xataa tan iyo sannado iyo qarniyo badan.
Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii afraad, markaasaa waxaa wax lagu dhuftay qorraxda saddex meelood oo meel, iyo dayaxa saddex meelood oo meel, iyo xiddigaha saddex meelood oo meel, in saddex meelood oo meeli ay gudcur noqoto, iyo in maalinta saddex meelood oo meeli aanay iftiimin, habeenkuna uu noqdo sidaas oo kale.