Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 6:16 - Kitaabka Quduuska Ah

16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

16 Waxeyna dhagaxyada buuraha ku yiraahdeen, “Bal nagu soo dul dhaca oo naga qariya wejiga kan carshiga ku fadhiya iyo carada Wanka!

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 6:16
21 Iomraidhean Croise  

Halkaasay aad ugu cabsadeen, Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.


Cabsida Rabbiga, iyo sharafta haybaddiisa dhagaxa ka gal, oo ciidda kaga dhuumo.


Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan.


Oo weliba meelaha sare ee Aawen ku yaal oo dembiga dadka Israa'iil ahna waa la wada dumin doonaa. Meelahooda allabarigana waxaa ka soo kor bixi doona qodxan iyo yamaarug. Waxay buuraha ku odhan doonaan, War na qariya. Oo gumburahana waxay ku odhan doonaan, Nagu soo dhaca.


Ciise ayaa ku yidhi, Waad tidhi. Hase ahaatee waxaan idinku leeyahay, Hadda dabadeed waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya midigta xoogga Ilaah oo ku imanaya daruuraha cirka.


Goortuu iyaga isha mariyey isagoo cadhaysan oo qalbigiisii ka tiiraanyooday qalbi engegnaantooda aawadeed, wuxuu ninkii ku yidhi, Gacanta soo taag. Kolkaasuu soo taagay, oo gacantiisu way bogsatay.


Markaasay bilaabi doonaan inay buuraha ku yidhaahdaan, Nagu soo dhaca, oo ay gumburahana ku yidhaahdaan, Na qariya.


oo inaan wakhti mar dambe jirayn ayay ugu dhaaratay kan weligiis iyo weligiisba nool, oo abuuray samada iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo dhulka iyo waxyaalaha ku dhex jira, iyo badda iyo waxyaalaha ku dhex jiraba.


Oo afkiisana waxaa ka soo baxday seef af badan inuu ku laayo quruumaha; oo wuxuu iyaga ku xukumi doonaa ul bir ah, oo wuxuu ku tumay macsaraddii canabka oo xanaaqii cadhada Ilaaha Qaadirkaa.


Oo markaasaan arkay carshi weyn oo cad, iyo kii ku fadhiyey, oo wejigiisa dhulkii iyo samadii ay ka carareen, oo iyagiina meel looma helin.


Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey,


Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah.


Oo marka xayawaanku ay ammaanaan oo ciseeyaan oo mahad u naqaan kan carshiga ku fadhiya oo ah kan nool weligiis iyo weligiis,


Oo anna kii carshiga ku fadhiyey gacantiisa midigta waxaan ku arkay kitaab wax kaga qoran yihiin dul iyo hoosba, oo waxaa ku shaabadaysnaa toddoba shaabadood.


oo iyana waxay ku dhawaaqeen cod weyn iyagoo leh, Sayidkayaga quduuskaa oo runtahow, ilaa goormaadan xukumayn oo aadan dhiigayaga nooga aarayn kuwa dhulka jooga?


Oo ayaamahaasna dadku waxay doondooni doonaan dhimasho, oo sinaba uma ay heli doonaan, oo waxay jeclaan doonaan inay dhintaan, laakiinse dhimashadu way ka carari doontaa iyaga.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan