Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 5:12 - Kitaabka Quduuska Ah

12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

12 Cod dheer ayey ku dhahayeen, “Wanka la gowracay ayaa u qalma, inuu helo awood, maal, xigmad iyo xoog sharaf iyo ammaan iyo barako!”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 5:12
19 Iomraidhean Croise  

Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Seefay, toos oo ku kac adhijirkayga iyo ninka wadaygayga ah. Adhijirka dil, oo iduhuna way kala firdhi doonaan, oo gacantaydaan ku soo celin doonaa kuwa yaryar.


Oo Ciise ayaa u yimid oo la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Amar oo dhan ayaa samada iyo dhulka laygu siiyey.


Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya.


sidaad amar ugu siisay dadka oo dhan inuu nolosha weligeed ah siiyo kuwaad isaga siisay oo dhan.


Waad garanaysaan nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix in isagoo hodan ah uu aawadiin miskiin u noqday, inaad miskiinnimadiisa hodan ku noqotaan.


Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin.


oo boqortooyo inaga dhigay inaynu wadaaddo u ahaanno Ilaaha ah Aabbihiis, isaga ammaanu ha u ahaato iyo dowladnimo weligiis iyo weligiisba. Aamiin.


Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.


Oo iyana waxay ku gabyeen addoonkii Ilaah oo Muuse ahaa gabaygiisii iyo gabaygii Wanka iyagoo leh, Rabbiyow Ilaaha Qaadirka ahow, shuqulladaadu way weyn yihiin, oo yaab bay leeyihiin. Boqorka quruumahow, jidadkaagu waa xaq oo waa run.


Oo waxyaalahaas ka dib waxaan maqlay wax u eg cod weyn oo maqluuq badan oo samada ku jira, oo waxay lahaayeen, Halleeluuya; badbaado iyo ammaan iyo xoog waxaa leh Ilaahayaga;


Rabbigayagow, Ilaahayagow, adigu waad istaahishaa inaad heshid ammaanta iyo cisada iyo xoogga, waayo, wax kasta adaa abuuray, maxaa yeelay, doonistaada aawadeed ayay u ahaadeen oo u abuurmeen.


Oo wax kasta oo la abuuray oo ku jira samada, iyo dhulka dushiisa, iyo dhulka hoostiisa, iyo badda gudaheeda, iyo waxyaalaha iyaga ku jira oo dhan, ayaa waxaan maqlay iyagoo leh, Kan carshiga ku fadhiya iyo Wanka ha u ahaadeen mahad, iyo ciso, iyo ammaan, iyo xoog, weligood iyo weligood.


Oo carshiga badhtankiisii iyo afarta xayawaan iyo odayaasha badhtankoodii waxaan ku arkay Wan taagan oo ah sida mid la gowracay oo leh toddoba gees iyo toddoba indhood oo ah toddobada Ruux oo Ilaah, oo loo soo diray dunida oo dhan.


Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.


Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,


Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.


iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan