Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 3:8 - Kitaabka Quduuska Ah

8 Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay waxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

8 Waan ogahay shuqulladaada (oo bal eeg, waxaan hortaada dhigay albaab furan oo aanu ninna xidhi karin), waayo, waxaad leedahay wuxoogaa xoog ah, oo eraygaygiina waad dhawrtay, oo magacaygiina ma aad inkirin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

8 Waan ogahay camalladiina. Bal eega waxaan hortiina dhigay albaab furan oo uusan qofna xiri karin. Waan ogahay inaad leedihiin xoog yar, laakiin weli ereyadeyda ayaad adeecdeen oo magaceygana ma eydan diidin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 3:8
25 Iomraidhean Croise  

Waaba intaasoo intaan dhergo, aan adiga ku inkiraaye, oo aan idhaahdaa, Waa ayo Rabbigu? Amase waaba intaasoo aan miskiin noqdaa, oo intaan wax xado, Aan magaca Ilaahayga si been ah ugu hadal qaadaaye.


Haddaba markay dhacaan baa lagu caawin doonaa caawimaad yar, laakiinse qaar badan baa iyagoo sasabanaya ku darsami doona.


Laakiin kii igu diida dadka hortiisa, malaa'igaha Ilaah hortooda ayaa lagu diidi doonaa,


Xusuusta hadalkaan idinku idhi, Addoon kama weyna sayidkiisa. Hadday i silciyeen, idinkana way idin silcin doonaan. Hadday hadalkayga xajiyeen, kiinnana way xajin doonaan.


Magacaagaan u muujiyey dadkii aad dunida iga siisay. Kuwaagii bay ahaayeen, oo anaad i siisay, iyaguna ereygaagay xajiyeen.


Oo markay yimaadeen oo kiniisaddii isu ururiyeen waxay uga warrameen waxyaalihii Ilaah iyaga la sameeyey oo dhan iyo siduu albaabka iimaanka ugu furay dadkii aan Yuhuudda ahayn.


Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.


Markaan Taroo'as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay,


Wax walba waan ku samayn karaa gargaarkiisa kan i xoogeeya.


Oo weliba annagana noo soo duceeya in Ilaah noo furo albaabka hadalka, si aannu uga hadalno qarsoodiga Masiixa, kaas oo aan u xidhnahay;


Laakiin qof hadduusan dadkiisa dhaqaalayn, khusuusan kuwa gurigiisa jooga, kaasu iimaankuu ka hor yimid, wuuna ka sii liitaa mid aan rumaysanayn.


Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray.


Waayo, waxaa jira niman qarsoodi idiinku soo galay, waana kuwii waa hore xukunkan loo qoray, oo ah kuwa aan cibaadada lahayn, oo nimcada Ilaaheenna ku beddela nijaas, oo inkira Ciise Masiix oo ah Sayidkeenna iyo Rabbigeenna keliya.


Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.


Waan ogahay shuqulladaada, iyo hawshaada, iyo dulqaadashadaada, iyo inaadan u adkaysan karin kuwa sharka ah, iyo inaad tijaabisay kuwa rasuullada isku sheega iyagoo aan ahayn, oo waxaad ogaatay inay been yihiin.


Oo bal eeg, anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba waxaa barakaysan kii xajiya erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray.


Kiniisadda Sardis ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan haysta toddobada Ruux oo Ilaah iyo toddobada xiddigood, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan: Waan ogahay shuqulladaada, oo magac baad leedahay sida wax nool, laakiinse meyd baad tahay.


Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.


Waan ogahay shuqulladaada iyo inaadan qabow iyo kulayl midna ahayn. Waxaan jeclaan lahaa inaad tahay qabow iyo kulayl midkood.


Kiniisadda Filadelfiya ku taalna malaa'igteeda waxaad u qortaa; Kan quduuska ah, oo runta ah, oo furihii Daa'uud haysta, oo wuxuu furo aanu ninna xidhi karin, wuxuu xidhana aanu ninna furi karin, wuxuu kugu leeyahay waxyaalahan;


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan