Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 9:4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

4 Waxaa lagu yiri ha wax yeelina cawska dhulka, dhirta ama geedaha, laakiin ciqaaba kuwa aan shaabadda Illaahey wejigooda ku lahayn.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

4 Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

4 Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 9:4
15 Iomraidhean Croise  

Waayo waxaa imaan doona masiixyo been ah iyo nebiyo been ah, waxeyna sameyn doonaan mucjisooyin waaweyn oo layaab leh si ey dadka ugu khiyaanaan, xitaa waxey isku dayi doonaan iney khiyaanaan dadka uu Illaahey doortay.


Illaahey Ruuxiisa Quduuska ahna haka xanaajinina, kaasoo in la idin ku shaabadeeyay maalinta madax furashada.


Kadibna waxaan arkay Wanka oo taagan buur Siyoon korkeeda, isagana waxaa la jiray boqol afartan iyo afar kun oo qof kuwaas oo magaciisa iyo magaca Aabihiis wejiga uga qornaa.


Kadibna waxaan maqlay wax u eg cod ka imaanaya afarta xayawaan oo dhahaya, “Rubac sarreen ah wuxuu ahaan doonaa mushaharka maalinta oo dhan, saddex rubacna waxey ahaan doonaan isla lacagtii, sidaa darteed ha haleynina saliid seytuunta iyo khamriga.”


Kadibna waxaan arkay afar malaa’ig oo taagan afarta dhinac ee aduunka, iyagoo ka joojinaya dabeyshu in eysan ku dhicin dhulka, badda iyo geedaha.


Malagi koowaad wuxuu ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaana yimid dab weyn oo uu dhiig ku jiro oo dhulka lagu soo tuuray. Saddex meelood meel dunida ka mid ahna wey gubatay, saddex meelood meel geedaha ka mid ahna wey gubteen, cawskii cagaarnaa oo dhanna wuu gubtay.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan