Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 9:20 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

20 Dadkii soo haray kuwaas oo aan balaayadu dilin weli kama toobadkeenin camalkoodii sharta lahaa, mana joojinin iney caabudaan ibliiska, sanamyada dahabka, qalinka iyo naxaaska ah, dhagaxyo, geedo kuwaas oo aanan hadli karin waxna maqlaynin oona socon karin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobad keenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 9:20
43 Iomraidhean Croise  

Waayo Yooxanaa wuxuu idin kugu yimid si uu jidka xaqa ah idiin tuso, mana eydan rumeysan, laakiin canshuur qaadayaasha iyo kuwa jirkooda ka ganacsada wey rumeysteen. Xitaa markaad arintaas aragteen, ma eydnaan toobadkeenin oo ma eydnaan rumeysan isaga.


“Sidaa darteed haddaan nahay caruurtii Illaah, waa in aanan ku fikirin rabaaniga inuu yahay sida sanamyada laga sameeyay dahabka ama qalinka ama dhagaxyada. Isagu ma aha sida qaabka waxyaalaha ey binu aadanku ka fikireen iney sameeyaan.


Waana aragtaan oo xitaa waad maqashaan ninkan Bawlos inuu dad badan qanciyay, Efesos kaliya maahee xitaa illaa Aasiya. Oo wuxuu ku hadlayay in illaahyada gacmaha lagu sameeyay eysan illaahyo ahayn.


Waxeyna sameeyeen sanam qaab weyl leh, oo u keeneen allabari, weyna ku faraxsanaayeen wixii ey sameeyeen.


Waa run waan cabsanayaa markaan imaado Illaahey hortiina ha igu hooseysiiyo. Waana ka murugoon doonaa kuwii badnaa ee dembaabay oo aanan ka toobadkeenin nijaasnimadii, sinadii iyo dhaqan xumadii.


Ruuxu si cad ayuu u sheegay in ayaamaha aduunka ugu dambeeya ey dad badan iimaanka ka bixi doonaan eyna raaci doonaan ruux khiyaaneysa iyo waxyaalo uu ibliisku baray.


Waxaan samada ku arkay calaamad kale oo weyn oo yaab leh, toddobo malaa’ig ayaa hayay toddobadii ugu dambeysay ee balaayo, kuwaasoo xanaaqa Illaahey soo gaba gabeynaya.


Malagii afaraad ayaa baaquligiisa ku daadiyay qoraxda, qoraxdana waxaa la siiyay awood ey dadka ku gubto.


Xoogga farduhu wuxuu ku jiray afkooda iyo seyntooda, waayo seyntoodu waxey lahayd madax u eg sida mas oo kale, taas oo lahayd awood ey dadka ku dhaawacdo.


Xitaa wax dilkooda, sixiryadooda, sinadooda iyo tuugnimadoodaba kama toobadkeenin.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan