Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 8:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 Malag kale oo hayay idin dahab ah ayaa imaaday oo soo istaagay meesha allabariga horteeda. Waxaa la siiyay foox badan si uu ula bixiyo ducada dadka Illaahey oo dhan si uu ugu bixiyo allabariga dahabka ah ee ku hor yaala carshiga.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Oo haddana waxaa timid malaa'ig kale, oo waxay is-ag taagtay meeshii allabariga, iyadoo haysata idan dahab ah, oo waxaa la siiyey foox badan si ay ugu darto baryadii quduusiinta oo dhan oo ay ugu shiddo meeshii allabariga oo dahabka ahayd oo carshiga hortiisa tiil.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 8:3
32 Iomraidhean Croise  

Waqtigii fooxa la shidayay markii la gaaray, kuwii cibaadeysanayay ayaa banaanka iney ku duceystaan isugu yimid.


Haddaba waa kuma kan xukumaya? Qofna ma xukumayo iyaga! Ciise Masiix wuu dhintay waana la soo sarakiciyay, haddana wuxuu fadhiyaa Illaahey dhinaciisa midig, isaga oo noo hadlaya.


Sidaa darteed wuxuu weligiis awood u leeyahay inuu badbaadiyo kuwa uu Illaahey isaga ku hogaamiyo, waayo isagu weligiis wuxuu u nool yahay inuu iyaga u duceeyo.


Halkaas waxaa ku yaalay meel allabari oo dahab ka sameysan oo loo isticmaali jiray in fooxa lagu shido iyo sanduuqa axdiga oo uu dahab ku daboolan yahay. Sanduuqaasna waxaa ku jiray weel dahab ka sameysan oo maannadii ku jirto, ushii Haaruun oo ey caleemo ka dul baxeen iyo looxyadii uu axdigu ku qornaa.


Kadibna waxaan arkay malag weyn oo ka imaanaya samada. Waxaana ku wareegsanaa daruur, qaansaroobeed ayaana xagga madaxiisa ku taalay, wejigiisuna wuxuu u ifayay sida qorax, lugihiisuna waxey u ekaayeen tiirar dab ah.


Kadibna waxaa meesha allabariga ka yimid malag kale oo leh awood uu dab wax ku burburiyo. Wuxuuna cod dheer ugu yiri malagii kale ee mindida afka leh haystay, “Canabkii aduunka wuu bislaaday ee tag oo kusoo ururi mindidaada afka leh.”


Kadib markii uu soo qaaday buugii, afartii xayawaan iyo labaatan iyo afartii odayaal ayaa Wankii u sujuuday. Mid walbana wuxuu heystay kataarad, waxeyna gacanta ku hayeen baaquli dahab ah oo foox ka buuxo, taas oo ah ducooyinka dadka Illaahey.


Markii uu furay shaabadda shanaad, waxaan meeshii allabariga hoosteeda ka arkay nafihii kuwii ereyga Illaahey dartiis loo dilay iyo sida ey aamin ugu noqdeen marqaatifurkooda.


Waxaanna arkay malag kale oo ka imaanaya xagga bariga, isaga oo wada shaabadda Illaaha nool. Wuxuuna cod weyn ugu yeeray afarta malaa’ig ee la siiyay awoodda ey dhulka iyo badda ku wax yeeleeyaan.


Qiiqa fooxa iyo ducada dadka Illaahey ayaa waxey ka baxeen gacanta malaga oo waxey kor ugu aadeen Illaahey.


Kadibna malagii wuxuu qaaday idinkii oo dab kaga buuxiya halka allabariga, oo wuxuu kusoo tuuray aduunka, kadibna waxaa dhacay onkod iyo hilaac waxaana jiray dhul gariig daran.


Malagii lixaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaanna maqlay cod ka imaanaya afarta gees ee meesha allabariga oo ah dahab taas oo Illaahey hortiisa ku taalo.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan