Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil.
si aad miiska boqortooyadeyda igula fariisataan, cabtaan, cuntaan oo carshiyada ku fariisataan si aad u xukuntaan laba iyo tobanka qabiil ee reer Israa’iil.”
Isayosna wuxuu ku qayliyay isaga oo reer binu Israa’iil ka hadlaya, “Inkastoo tirada reer binu Israa’iil ey ka badan tahay carrada xeebta, laakiin in yar ayaa badbaadi doonta.
Warqaddan waxey ka socotaa Yacquub oo ah adeegihii Illaahey iyo Rabbigeena Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa mu’miniinta aduunka ku kala firdhisan ee kasoo kala jeeda laba iyo tobanka qabiil ee Yuhuudda.
Waxeyna carshiga iyo afartii xayawaan iyo odayaasha ka hor heeseen hees cusub. Qofna heestaas ma baran karin waxaan ka ahayn boqol afartan iyo afartaas kun ee aduunka laga soo madax furtay.