Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 7:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 Wuxuuna yiri, “Dhulka, badda iyo geedaha ha wax yeelina illaa aan shaabad ka saarno wejiga adeegayaasha Illaaheena.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Waxba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Waxba ha yeelina dhulka iyo badda iyo dhirta toona, jeer aannu addoommada Ilaahayaga wejiga ka shaabadayno.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 7:3
31 Iomraidhean Croise  

“Haddii aan maalmahaas la soo gaabin, qofna ma badbaadi lahayn, laakiin Illaahey dadkiisa uu doortay dartood ayaa waqtiga loo soo gaabin doonaa.


Wuxuuna diri doonaa malaa’igtiisa oo wata buun aad u dhawaaqaya, waxeyna aduunka oo dhan kasoo ururin doonaan dadka uu doortay.


Mid walboo ii adeega waa inuu i raacaa, halka aan joogana waa inuu adeegaheyguna joogaa. Aabahay wuu xushmeyn doonaa kii ii adeega.


Laakiin mid walboo isaga aaminaa wuxuu cadeeyay in Illaahey run yahay.


Laakiin hadda oo aad xor ka noqoteen dembiga oo aadna noqoteen adoomadii Illaahey, waxey idin ka dhigeysaa quduus waxeyna idin ku hageysaa nolosha weligeed ah.


Wuxuuna dadkoo dhan ku qasbay yar iyo weynba, taajir iyo maskiinba, kuwa xor ah iyo adoonba in calaamad la saaro gacantooda midigta ah ama wejigooda,


si eysan wax u iibin ama eysan wax u gadan haddii eysan lahayn calaamadaas, taas oo ah magaca bahalka ama nambar u taagan magaciisa.


Kadibna waxaan arkay Wanka oo taagan buur Siyoon korkeeda, isagana waxaa la jiray boqol afartan iyo afar kun oo qof kuwaas oo magaciisa iyo magaca Aabihiis wejiga uga qornaa.


Kadibna malagii saddexaad ayaa ka daba imaaday isaga oo cod dheer ku dhahaya, “Haddii uu qof jiro kaasoo caabuda bahalka iyo sawirkiisa oona calaamadiisa aqbalo in loogu qoro wejiga ama gacanta,


waayo xukunkiisu waa mid xaq ah oona run ah. Wuxuu xukumay tii jirkeeda ka ganacsan jirtay taas oo aduunka ku khiyaantay sinadeeda. Wuu u aarguday dhiigga adeegayaashiisa.”


Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.


Waxeyna arki doonaan wejigiisa, magaciisa ayaana lagu qori doonaa wejigooda.


Kadibna waxaan maqlay wax u eg cod ka imaanaya afarta xayawaan oo dhahaya, “Rubac sarreen ah wuxuu ahaan doonaa mushaharka maalinta oo dhan, saddex rubacna waxey ahaan doonaan isla lacagtii, sidaa darteed ha haleynina saliid seytuunta iyo khamriga.”


Kadibna waxaan arkay afar malaa’ig oo taagan afarta dhinac ee aduunka, iyagoo ka joojinaya dabeyshu in eysan ku dhicin dhulka, badda iyo geedaha.


Waxaanna arkay malag kale oo ka imaanaya xagga bariga, isaga oo wada shaabadda Illaaha nool. Wuxuuna cod weyn ugu yeeray afarta malaa’ig ee la siiyay awoodda ey dhulka iyo badda ku wax yeeleeyaan.


Waxaa lagu yiri ha wax yeelina cawska dhulka, dhirta ama geedaha, laakiin ciqaaba kuwa aan shaabadda Illaahey wejigooda ku lahayn.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan