Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 7:2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

2 Waxaanna arkay malag kale oo ka imaanaya xagga bariga, isaga oo wada shaabadda Illaaha nool. Wuxuuna cod weyn ugu yeeray afarta malaa’ig ee la siiyay awoodda ey dhulka iyo badda ku wax yeeleeyaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

2 Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

2 Oo waxaan arkay malaa'ig kale oo ka soo baxaysa qorrax ka soo baxa oo haysata shaabadda Ilaaha nool; oo cod weyn bay ugu dhawaaqday afartii malaa'igood oo amarka lagu siiyey inay wax yeelaan dhulka iyo badda, oo waxay ku tidhi,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 7:2
29 Iomraidhean Croise  

Simoon Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa, Wiilka Illaaha nool.”


Laakiin Ciise wuu aamusay. Markaas ayaa wadaadkii sare Ciise ku yiri, “Waxaan kugu dhaariyay Illaaha nool ee noo sheeg haddaad tahay Masiixa ah Wiilka Illaahey.”


Ha u shaqeynina cunto halaabeysa, laakiin u shaqeysta cunto idin siisa nolosha weligeed ah. Taas oo Wiilka Aadanahu idin siin doono. Waayo isaga Illaaha Aabaha ah ayaa saaray shaabadiisa ogolaashahay.”


wuxuu na saaray shaabadiisa lahaanshada, Ruuxiisana qalbiyadeena ayuu u geliyay keyd ahaan, damaanadna ugu dhigay waxa imaan doona.


Idinkuna sidoo kale waad kusoo biirteen markaad maqasheen fariinta runta, ee ah warka wanaagsan ee aad ku badbaadeysaan. Markaad aaminteen ayaa la idin ku sumadeeyay Ruuxa Quduuska ah ee horey loo ballan qaaday.


Illaahey Ruuxiisa Quduuska ahna haka xanaajinina, kaasoo in la idin ku shaabadeeyay maalinta madax furashada.


Waayo iyagu waxey mar walba ka hadlaan sida sharafta badan ee aad noosoo dhoweyseen, iyo sida aad uga laabateen sanam caabudida oo aad Illaaha u jeesateen inaad u adeegtaan Illaaha runta ee nool.


Laakiin aasaaskii uu Illaahey dhigay wuu adagyahay. Oo lagu shaabadeeyay qoraalkan, “Rabbigu wuu yaqaanaa dadkiisa, sidaa darteed mid kastoo magaca Rabbiga ku caabuda waa inuu sharka ka fogaadaa.”


Laakiin hadda waxaad timaadeen buurta Siyoon iyo Yeruusaalemta jannada. Tani waa magaalada Illaaha nool, halkaasoo kumanaan malaa’iga ey iskugu yimaadeen si ey u dabaaldegaan,


Waxaa barakeysan midka kaniisadda ka akhriya ereyadan lasii sheegay, waxaa kale oo barakeysan kuwa maqla oona adeeca, waayo waqtigu wuu dhowyahay.


Kadibna waxaan arkay malag weyn oo ka imaanaya samada. Waxaana ku wareegsanaa daruur, qaansaroobeed ayaana xagga madaxiisa ku taalay, wejigiisuna wuxuu u ifayay sida qorax, lugihiisuna waxey u ekaayeen tiirar dab ah.


Markey toddobadii onkod hadleen, waxaan ku rabay inaan wax qoro, laakiin waxaan maqlay cod ka yimid samada oo dhahaya, “Shaabadey waxey toddobada onkod dheheen, hana qorin.”


Kadibna malagii lixaad ayaa baaquligiisi ku daadiyay webiga weyn ee Yufraad, biyihiisi ayaa guray si uu wadada ugu diyaariyo boqorka ka imaanaya Bariga.


Waxaanna arkay malag weyn oo cod dheer ku dhahaya, “Yaa u qalma inuu kala bixiyo buugga oona furo shaabadda?”


Malag kale oo hayay idin dahab ah ayaa imaaday oo soo istaagay meesha allabariga horteeda. Waxaa la siiyay foox badan si uu ula bixiyo ducada dadka Illaahey oo dhan si uu ugu bixiyo allabariga dahabka ah ee ku hor yaala carshiga.


Codkiina wuxuu malagii buunka hayay ku yiri, “Soo daa afarta malaa’ig ee ku xiran webiga weyn ee Yufraad.”


Waxaa lagu yiri ha wax yeelina cawska dhulka, dhirta ama geedaha, laakiin ciqaaba kuwa aan shaabadda Illaahey wejigooda ku lahayn.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan