Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 7:17 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

17 Waayo Wanka dhex taagan carshiga ayaa u ahaan doona arijir. Wuxuuna iyaga ku hogaamin doonaa isha biyaha nool ah. Illaaheyna indhahooda ayuu ka tiri doonaa ilinta.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

17 waayo, Wanka carshiga badhtankiisa jooga ayaa wuxuu ahaan doonaa adhijirkooda, oo wuxuu iyaga u hoggaamin doonaa ilaha biyaha nolosha; oo Ilaahna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 7:17
42 Iomraidhean Croise  

“ ‘Beytlaxamtii dhulka Yahuudiya ku taalayey, waad ugu muhiimsantahay magaalooyinka Yahuudiya ku yaala, waayo waxaa kaasoo bixi doona taliye kaasoo hogaamin doona dadkeyga Israa’iil.’ ”


Waxaa barakeysan kuwa baroorta, waayo waa la qalbi qaboojin doonaa.


“Waxaan ahay arijirka wanaagsan. Arijirka wanaagsanna wuxuu naftiisa u bixiyaa idaha dartood.


“Waxaan ahay arijirka wanaagsan, waan garanayaa idahayga oo iyaguna wey i garanayaan.


Ciise ayaa ugu jawaabay, “Haddaad ogaan lahayd hadiyada Illaahey iyo kan biyaha ku weydiisanaya, isaga ayaad weydiisan lahayd wuxuuna ku siin lahaa biyaha nool.”


Naagtii ayaa tiri, “Mudane, ma haysatid weel aad ku darsatid ceelkuna aad ayuu u dheer yahay. Halkeed ka heli kartaa biyahan nool?


laakiin mid walboo caba biyaha aan isaga siiyo weligiis ma oomi doono. Biyaha aan siin doono waa sida il biyo durduraya illaa iyo nolosha weligeed ah.”


Is ilaaliya dadka kalana ilaaliya, waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin ka dhigay ilaaliye. Noqda arijirka kaniisadda Illaahey, taas oo uu dhiigiisa ku soo iibsaday.


Daryeela dadka idin ka hooseeya ee Illaahey idin ku aaminay. Ilaaliya, mana aha in la idin ku qasbay, laakiin waa iney idin ka timaadaa sida uu Illaahey rabo inaad ahaataan. Mana aha inaad nafsadaada wax kaga heshid laakiin u samee adeegida Illaahey darteed.


Kuwan waa kuwa isku nijaaseyn dumarka, kuwaasoo Wanka u raacaya meel walboo uu tago. Waxaa laga soo dhex madax furtay dadka aduunka sida allabariyo ku qaali ah Illaahey iyo Wankaba.


Wax macbad ah magaaladaas kuma aanan arag, waayo Illaaha Rabbiga Weyn ah iyo Wanka ayaa ah macbadkeeda.


Magaaladu uma eysan baahneyn qorax ama dayax ifaya, waayo ammaanta Illaahey ayaa iftiin siisa, Wanka ayaana u ah feynuus.


‘Ilin walbana wuu ka tirtiri doonaa. Dhimashana ma jiri doonto’ sidoo kalana murugo, oohin iyo xanuun. Waxyaalahaas oo dhan wey dhamaadeen.”


Waxaa kale uuna yiri, “Wey dhamaatay. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, bilowga iyo dhamaadka. Kuwa haraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha ah.


Kadib malagii wuxuu i tusay webi biyo nolol ah leh, kaasoo sida muraayad u cad, wuxuuna kasoo qulqulayay xagga carshiga Illaahey iyo xagga Wanka.


“Waad istaahishaa, Rabbigeena iyo Illaaheenow, inaad hesho ammaan, xushmad iyo awood, waayo waxaad abuurtay wax walba, doonistaada ayeyna ku abuurmeen oona ku sii noolaadeen.”


Kadibna waxaan arkay Wan, kaasoo u eg mid la soo gowracay oo carshiga bartankiisa taagnaa, waxaana isaga ku wareegsanaa afarta xayawaan iyo odayaasha. Wankuna wuxuu lahaa toddobo geesood iyo toddobo indhood, taas oo ah toddobada ruux ee Illaah oo loo diray aduunka oo dhan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan