Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 7:12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

12 iyagoo leh, “Aamiin! Barako iyo ammaan xigmad iyo mahadcelin iyo sharaf iyo awood iyo xoog ha u ahaadaan Illaaheena weligeedba. Aamiin!”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

12 iyagoo leh, Aamiin; Ilaahayagu weligiis iyo weligiis ha lahaado barako, iyo ammaan, iyo xigmad, iyo mahad, iyo ciso, iyo xoog, iyo itaal. Aamiin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 7:12
27 Iomraidhean Croise  

Jarribaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga badbaadi, waayo boqortooyada, xoogga iyo ammaanta adiga ayaa leh weligaa. Aamiin.’


Waayo wax walba xaggiisey ka yimaadaan, awoodiisa ayeyna ku yihiin, ammaantiiseyna ku yihiin. Ammaan oo dhanna isaga ayey weligiis u sugnaatay! Aamiin.


Kaba soo qaad haddii aad ruuxdaada ka duceysatid, sidee ayey dadkii meesha joogay ee aan garaneyn waxaad dhaheysid aamiin ku dhahayaan?


Waxyaalahan oo dhan waa faa’iidadiina. Si dad badan ey u ogaadaan in Illaahey uu yahay mid naxariis iyo nimco leh oo eyna u ammaanaan una sharfaan.


Xididyadiina haku dhex baxaan, oo noloshiinana isaga ku dul dhisa. Kadibna iimaankiinu wuxuu ku adkaan doonaa runta la idin baray, mahadcelintiinuna wey badnaan doontaa.


Wax walboo aad sameysaan ama aad dhahdaan, sameeya idinkoo ku sameynaya magaca Sayid Ciise dartiis, idinka oona u maraya isaga u mahadceliya Illaaha Aabaha ah.


Waqti hore, hadda iyo weligiiba, Illaaha ah badbaadiyaheena, Rabbigeena Ciise Masiix dartiis wuxuu mudan yahay ammaan, sharaf, xoog iyo amar. Aamiin.


Waxaan ahay Midka Nool, waan dhintay, haddana arag, weligey waan noolaan doonaa! Waxaanna hayaa furaha dhimashada iyo xabaalahaba.”


Labaatan iyo afartii oday iyo afartii xayawaan wey sujuudeen oo Illaahey caabudeen, kaasoo carshiga ku fadhiyay. Waxeyna yiraahdeen, “Aamiin, Halleeluuya!”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan