Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 6:16 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

16 Waxeyna dhagaxyada buuraha ku yiraahdeen, “Bal nagu soo dul dhaca oo naga qariya wejiga kan carshiga ku fadhiya iyo carada Wanka!

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

16 oo waxay ku yidhaahdeen buurihii iyo dhagaxyadii, Nagu soo dhaca oo naga qariya kan carshiga ku fadhiya wejigiisa iyo cadhada Wanka,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 6:16
21 Iomraidhean Croise  

Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri, laakiin waxaan idin ku leeyahay, hadda laga bilaabo waxaad arki doontaan Wiilka Aadanaha oo fadhiya gacanta midig ee Illaaha awoodda leh kuna imaanaya daruuraha cirka.”


Markaas ayuu Ciise iyagii fiiriyay isaga oo xanaaqsan, aad ayuuna uga xumaaday qalbi adeegooda, kadibna ninkii ayuu ku yiri, “Fidi gacantaada.” Isaguna wuu fidiyay gacantiisana wey bogsatay.


Kadib “ ‘Waxey buuraha ku dhihi doonaan, “Nagu soo dul dhaca!” Waxey sidoo kale ku dhihi doonaan buuraha yar yar, “Na qariya!” ’


Wuxuuna ku dhaartay magaca kan weligiis nool, kaasoo abuuray samada iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, dhulka iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, badda iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan. Wuxuuna yiri, “Waqtigii sugitaanka wuu dhamaaday.


Afkiisana waxaa kasoo baxay seef af leh oo uu ku weerari rabo quruumaha. “Wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah.” Carada Illaahey Qaadirka waxey u burburin doonaa cadowgiisa sida canabka loogu dhex cadaadiyo meesha canabka lagu shiido.


Kadibna waxaan arkay carshi weyn oo cad iyo kan ku fadhiyo. Dunida iyo samadaba wey ka carareen joogitaankiisa, laakiin wey waayeen meel ey isku qariyaan.


Isla markiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo samadana waxaan ku arkey carshi kaasoo uu qof ku fadhiyay.


Carshigana waxaa kasoo baxayay hillac, codad iyo onkod. Carshiga hortiisa waxaa yaalay toddobo laambadood oo shidan. Kuwaasi waa toddobada ruux ee Illaahey.


Mar walboo xayawaanadaas ey Illaahey ammaanaan, sharfaan oo ey u mahadceliyaan kan ku fadhiya carshiga kaasoo weligiis noolaanaya,


Kadibna waxaan gacanta midig ee kan ku fadhiya carshiga ku arkay buug labada dhinac wax uga qoran yihiin waxaana lagu shaabadeeyay toddobo shaabadood.


Waxeyna ku qayliyeen cod dheer iyagoo leh, “Ilaa goorma Rabbiga Weynow, midka quduuska oo runta ah, oo aad xukumi doontaa dadka aduunka oona nooga aargudi doontaa dhiigeena?”


Maalmahaas dadku waxey raadin doonaan dhimasho laakiin ma heli doonaan. Waxey jeclaan lahaayeen iney dhintaan laakiin dhimashadu wey ka carari doontaa.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan