Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 6:12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

12 Waan fiirsaday isaga oo furaya shaabaddii lixaad. Waxaana jiray dhul gariir weyn. Qoraxdi waxey isku beddeshay madow sida dhar jawaan ah, dayaxuna wuxuu noqday guduud sida dhiig.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

12 Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

12 Oo haddana waxaan arkay markii uu furay shaabaddii lixaad, markaasaa waxaa dhacay dhulgariir weyn; oo qorraxduna waxay u madoobaatay sidii joonyad dhogor ah, oo dayaxii oo dhammuna wuxuu noqday sidii dhiig oo kale;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 6:12
31 Iomraidhean Croise  

“Hoog ayaa idin sugaya dadkii Khorasinayow! Hoog ayaa idin sugaya dadkii Beytsaydayow! Waayo mucjisooyinkii la idin ka dhex sameeyay haddii lagu dhex sameyn lahaa Turos iyo Siidoon, mar hore ayey toobadkeeni lahaayeen iyagoo dhar jawaan ka sameysan xiran oo madaxana dambas marsaday.


“Maalmahaas dhibka leh kadib “ ‘qoraxdu wey madoobaan doontaa, dayaxuna iftiin ma lahaan doono, xiddigahana cirkey kasoo dhici doonaan, awoodaha cirkana waa la gariirin doonaa.’


Qowmiyadna qowmiyadda kale ayey ka hor imaan doontaa, boqortooyana boqortooyada kale ayey ka hor imaan doontaa. Waxaana meelo badan ka dhici doona abaar iyo dhul gariir.


Laga bilaabo lix saac mugdi ayaa qariyay dhulka oo dhan illaa saddexdii duhurnimo.


Markii boqol u taliyihii iyo askartiisi Ciise ilaalinayay arkeen dhul gariirkii iyo wax walboo dhacay, wey argagaxeen waxeyna yiraahdeen, “Xaqiiqdii wuxuu ahaa Wiilka Illaahey!”


Isla markiiba waxaa dhacay dhul gariir weyn, waxaana samada ka yimid malag Illaahey. Wuxuuna leexiyay dhagaxii qabriga ku daboolnaa wuuna ku dul fariistay.


Duhurkii markii la joogay mugdi ayaa qariyay dhulka oo dhan illaa saddexdii duhurnimo.


Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen.


Kadibna waxaa dhacay onkod, hilaac iyo dhul gariir daran, taas oo aan weligeed la arkin illaa iyo abuuristii dadka.


Malagii afaraad ayaa baaquligiisa ku daadiyay qoraxda, qoraxdana waxaa la siiyay awood ey dadka ku gubto.


Malagii afaraad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, markaas ayaa saddex meelood meel qoraxda, dayaxa iyo xiddigaha lagu dhuftay oo waxey noqdeen madow. Saddex meelood meel maalinta waxey noqotay iftiin la’aan, sidoo kalana saddex meelood meel habeenka.


Kadibna malagii wuxuu qaaday idinkii oo dab kaga buuxiya halka allabariga, oo wuxuu kusoo tuuray aduunka, kadibna waxaa dhacay onkod iyo hilaac waxaana jiray dhul gariig daran.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan