Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 6:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 Kadibna mid walba waxaa la siiyay maro cad, waxaana lagu yiri in yar suga, illaa dhamaan kuwa adeegayaasha, walaalaha iyaguna sidooda la soo dilo.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo midkood kastaba waxaa la siiyey khamiis cad; oo waxaa loo sheegay inay wakhti yar sii nastaan ilamaa kuwa iyaga addoommada la ah iyo walaalahooda dhowaan sidoodii oo kale loo dili doono ay soo dhammaadaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 6:11
19 Iomraidhean Croise  

“Walaal ayaa walaalka kale in la dilo u gacangelin doona, waalid ayaa caruurtooda gacangelin doona, caruurna waxey kasoo horjeesan doonaan waalidkood oo wey dili doonaan.


“Laakiin aabihii ayaa shaqaalihiisi ku yiri, ‘Dhaqsada! U keena dharka midka ugu fiican oo u xira. Faraanti iyo kabana u galiya.


Sunagogga ayey idin ka saari doonaan, xitaa waqti ayaa imaanaya oo mid walboo idin dila uu u maleynayo inuu Illaahey u adeegayo.


Laakiin nolosheydu macno ilama laha, waxa kaliya ee aan rabo waa inaan dhameystiro shaqadii Rabbigeena Ciise i siiyay inaan sameeyo, taas oo ah inaan wacdiyo warka wanaagsan ee nimcada Illaah.


Wuuna idin nasin doonaa idinkan dhibaateysan iyo anagaba. Tani waxey dhici doontaa waqtiga uu Sayid Ciise ka yimaado samada isaga oo ku imaanaya dab holcaya oo eyna malaa’igtiisa xoogga leh la jirto.


Dagaal wanaagsan ayaan dagaalamay, tartanka waan ku guuleystay, iimaankana waan xajiyay.


Waayo Illaahey wax kasii wanaagsan ayuu noo hayay, mana uusan rabin iney gaaraan kaamilnimadooda anaga horteen.


iyo kaniisadda curadyada, kuwaasoo magacyadoodu ey ku qoran yihiin samada. Waxaad u imaadeen Illaahey kaasoo qof walba xukuma. Sidoo kalana waxaa halkan jooga ruuxyadii kuwii xaqa ahaa ee la dhameystiray.


Maalintaas dadka Illaahey waxey ka nasan doonaan shaqooyinkooda sidii uu Illaahey uga nastay shaqadiisa.


Wuxuuna ku dhaartay magaca kan weligiis nool, kaasoo abuuray samada iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, dhulka iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, badda iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan. Wuxuuna yiri, “Waqtigii sugitaanka wuu dhamaaday.


Bahalkaas labaad waxaa la siiyay awood uu nolol ku siiyo taalada bahalkii koowaad, si uu u hadlo oo u amro in kuwii taalada caabudi diiday la dilo.


Kadibna waxaan samada ka maqlay cod dhahaya, “Qor hadalkan, waxaa barakeysan kuwa dhintay iyagoo Rabbiga aaminsan hadda laga bilaabo.” Ruuxa wuxuu yiri, “Haa, waa run wey barakeysanyihiin, waayo wey ka nasan doonaan shaqadooda adag oo camalladooda wanaagsan ayaa iyaga raaci doona.”


Waxaanna arkay naagtu iney ahayd qof ku sarqaamay dhiigga dadka Illaahey, dhiigga dadka u marqaatifura Ciise. Markaan iyada arkayna aad ayaan ula yaabay.


Aniguna waxaan ugu jawaabay, “Mudane waad garaneysaa.” Wuxuu igu yiri, “Kuwaas waa kuwii silaca weyn soo maray. Waxey dharkooda ku dhaqeen dhiigga Wanka kaasoo iyaga ka dhigay caddaan.


Waxyaalahaas kadibna waxaan arkay dad badan oo aan la xisaabi karin, waxey ka kala yimaadeen aduunka oo dhan, iyagoo iskugu jira qabiil walba, qowmiyad walba iyo luuqad walba waxeyna taagnaayeen carshiga iyo Wanka hortiisa. Waxeyna gashanaayeen maryo cad oo gacantana waxey ku hayeen caleen timireed.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan