Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 6:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Waan fiirsanayay markii uu Wanku furayay middii ugu horeysay toddobada shaabadood. Kadibna waxaan maqlay mid ka mid ah afartii xayawaan oo ku dhahaya cod u eg onkod, “Kaalay!”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Oo waan arkayay markii Wankii furay toddobadii shaabadood middood, oo waxaan maqlay afartii xayawaan midkood oo codkiisa la moodo onkod leh, Kaalay oo arag.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 6:1
17 Iomraidhean Croise  

Maalintii ku xigtay ayaa Yooxanaa arkay Ciise oo dhinaciisa u soo socda markaas ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey kaasoo qaada dembiga aduunka!


Waayo ma joojin karno inaan ka hadalno waxyaalihii aan aragnay oo aan maqalnay.”


Kadibna macbadka Illaahey ee samada ku yaaleyna wuu furmay, macbadkiisa dhexdiisa waxaa laga arkay sanduuqa axdigiisa. Waxaana jiray hilaac, onkod, dhul gariir iyo duufaan daran ee roob baraf leh wadata.


Dadka aduunka oo dhanna wey caabudi doonaan bahalka. Kuwaasna waa kuwa aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ee Wanka intaan aduunka la abuurin ka hor, buugana waxaa leh Wankii la gowracay.


Samada waxaan ka maqlay cod sida biyo qulqulaya oo kale iyo onkod dhacaayo. Codkaan maqlay wuxuu u ekaa kataaraley kataaradooda ka dhawaajinaya.


Kadibna waxaan maqlay wax u cod eg cod dad badan iyo guux weyn oo hirarka badda iyo wax sida onkod oo kale u yeeraya, oo leh, “Halleeluuya! Waayo Illaaha Rabbigeena ah ayaa wax xukuma.


Afartaas xayawaan mid walba wuxuu lahaa lix baalal oo meel walba ayey indho ku lahaayeen, xitaa baalasha hoostooda ayey indho ku lahaayeen. Habeen iyo maalin waxey yiraahdaan, “ ‘Quduus, quduus, quduus waa Rabbiga Illaaha Qaadirka ah,’ kan jiray, kan jira iyo kan imaan doona.”


Kadibna waxaan gacanta midig ee kan ku fadhiya carshiga ku arkay buug labada dhinac wax uga qoran yihiin waxaana lagu shaabadeeyay toddobo shaabadood.


Cod dheer ayey ku dhahayeen, “Wanka la gowracay ayaa u qalma, inuu helo awood, maal, xigmad iyo xoog sharaf iyo ammaan iyo barako!”


Kadib markii uu soo qaaday buugii, afartii xayawaan iyo labaatan iyo afartii odayaal ayaa Wankii u sujuuday. Mid walbana wuxuu heystay kataarad, waxeyna gacanta ku hayeen baaquli dahab ah oo foox ka buuxo, taas oo ah ducooyinka dadka Illaahey.


Markii uu Wanku furay shaabaddii labaad, waxaan maqlay xayawaanka labaad oo dhahaya, “Kaalay!”


Markii uu Wanku furay shaabaddii saddexaad, waxaan maqlay xayawaanki saddexaad oo dhahaya, “Kaalay!” Waan fiiriyay oo horteydana waxaa taagnaa faras madow! Midka wadana wuxuu gacantiisa ku hayay miisaan.


Markii uu Wanku furay shaabaddii afaraad, waxaan maqlay codka xayawaanka afaraad oo dhahaya, “Kaalay!”


Markii uu Wanku furay shaabaddii toddobaad waxaa samada ka jiray aamusnaan ku dhowaad nus saac.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan