Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 5:9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

9 Waxeyna heeseen hees cusub oo dhahaysa, “Waad istaahishaa inaad buugga qaadid oo aadna furtid shaabadiisa, waayo waa lagu gowracay, dhiigaada ayaad Illaahey ugu soo madax furatay dad ka tirsan qabiil walba, luuqad walba, iyo qowmiyad walba.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

9 Oo waxay ku gabyeen gabay cusub iyagoo leh, Adigu waxaad istaahishaa inaad kitaabka qaadato oo aad shaabadihiisa furto; waayo, waa lagu gowracay, oo waxaad Ilaah dhiiggaaga ugu soo iibisay dad ah qabiil kasta iyo af kasta iyo dad kasta iyo quruun kasta,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 5:9
41 Iomraidhean Croise  

Sida uusan Wiilka Aadanahu ugu imaan in loo adeego, laakiin inuu adeego, iyo inuu naftiisa u huro si uu kuwo badan u badbaadiyo.”


Kani waa dhiigeyga axdiga cusub kaasoo loo daadshay dad badan cafiska dembigooda dartiis.


Is ilaaliya dadka kalana ilaaliya, waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin ka dhigay ilaaliye. Noqda arijirka kaniisadda Illaahey, taas oo uu dhiigiisa ku soo iibsaday.


Qiimo ayaa la idin kusoo madax furtay. Sidaa darteed jirkaaga Illaahey ku ammaan.


Illaahey qiimo ayuu idin kusoo madax furtay, balse ha noqonina adoomada binu aadanka.


Illaahey nimcadiisi ayuu dhiigga wiilkiisa noogu furtay nooguna dembidhaafay.


Markaad kulantaan ku heesa sabuurrado, heeso iyo qasiidooyinka ruuxa idinkoo Rabbiga qalbigiina oo dhan ka ammaanaya.


isaga ayaan madax furasho iyo cafiska dembiga ku helnay.


Haddii aad ku sii socotaan rumeysadkiina, aasaas adag. Ha ka tagina rajada aad ka hesheen markaad warka wanaagsan maqasheen. Kanna waa warka wanaagsan ee lagu wacdiyay noole kasta ee samada hoos jooga, kaasoo aniga Bawlos ah aan u noqday adeege.


Isagu wuxuu nafsadiisa u bixiyay inuu anaga naga madax furto wax kasta oo shar leh iyo inuu qalbiyadeena nadiifiyo, iyaga u hamuun qabo iney sameeyaan waxa wanaagsan.


Markey dadku sidaas u hadlaan, wey iska cadahay iney raadinayaan waddan ey lahaadaan.


Laakiin sidoo kale dadka dhexdooda waxaa ka jiray nebiyo been ah, sida ey u ahaan doonto in macalimiin been ah idin ku dhex jiri doonaan. Si qarsoon ayey u bari doonaan waxyaalo runta ka duwan, oo wey diidi doonaan Sayidka kaasoo madax furtay. Sidaa darteed waxey isku keeni doonaan hoog degdeg ah.


Laakiin haddii aan nuurka ku nool nahay, siduu Illaah nuurka ugu jiro, markaas wehelnimo ayaan isla wadaagnaa, oo dhiigga Wiilkiisa Ciise, wuxuu naga nadiifiyaa dembi oo dhan.


Masiixu waa allabari kafaaragud u ah dembiyadeena iyo dembiyada dhamaaan dadka aduunka.


Kadibna waxaa la igu yiri, “Waa inaad wax kasii sheegtaa wax ku saabsan dad badan, quruumo badan, luuqado badan iyo boqorro badan.”


Saddex maalmood iyo bar ayaa dadkoo dhan, qabiil walba, kuwa luuqado kala duduwan iyo quruumaha oo dhan fiirsan doonaan jirkooda, qofna looma ogolaan doono inuu soo aaso.


Waxaana bahalkaas la siiyay awood uu dadka Illaahey kula dagaallo oo uu iyaga kaga guuleysto. Sidoo kalana waxaa la siiyay amar uu ugu taliyo qabiil walba, dad walba, luuqad walba iyo quruumaha oo dhan.


Dadka aduunka oo dhanna wey caabudi doonaan bahalka. Kuwaasna waa kuwa aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ee Wanka intaan aduunka la abuurin ka hor, buugana waxaa leh Wankii la gowracay.


Waxaan arkay malag kale oo hawada ku duulayo isaga oo wada injiilka daa’iimka ah si uu u soo wacdiyo kuwa ku nool aduunka, quruumaha oo dhan, qabiilada oo dhan, luuqadaha oo dhan iyo dadka oo dhan.


waxeyna heesayeen heesaha adeegaha Illaahey ee Muuse iyo Wanka, iyagoo dhahaya, “Waxaa weyn oo yaab leh camalladaada, Rabbiyow Illaaha Weynow. Run iyo xaqnimo ayaa jidkaaga ah, Boqorkii quruumahaw.


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Biyaha aad aragtay, kuwaas oo ey naagtu ku fadhiday waa dad badan oo ka mid ah quruumaha iyo luuqado badan.


“Waad istaahishaa, Rabbigeena iyo Illaaheenow, inaad hesho ammaan, xushmad iyo awood, waayo waxaad abuurtay wax walba, doonistaada ayeyna ku abuurmeen oona ku sii noolaadeen.”


Cod dheer ayey ku dhahayeen, “Wanka la gowracay ayaa u qalma, inuu helo awood, maal, xigmad iyo xoog sharaf iyo ammaan iyo barako!”


Kadibna waxaan arkay Wan, kaasoo u eg mid la soo gowracay oo carshiga bartankiisa taagnaa, waxaana isaga ku wareegsanaa afarta xayawaan iyo odayaasha. Wankuna wuxuu lahaa toddobo geesood iyo toddobo indhood, taas oo ah toddobada ruux ee Illaah oo loo diray aduunka oo dhan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan