Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 5:12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

12 Cod dheer ayey ku dhahayeen, “Wanka la gowracay ayaa u qalma, inuu helo awood, maal, xigmad iyo xoog sharaf iyo ammaan iyo barako!”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

12 oo waxay cod weyn ku lahaayeen, Istaahil waxaa ah Wankii la gowracay inuu helo xoog, iyo maal, iyo xigmad, iyo itaal, iyo ciso, iyo ammaan, iyo mahad.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 5:12
19 Iomraidhean Croise  

Markaas ayuu Ciise iyagii u yimid oo ku yiri, “Awood oo dhan ayaa samada iyo dhulka la iga siiyay.


Maalintii ku xigtay ayaa Yooxanaa arkay Ciise oo dhinaciisa u soo socda markaas ayuu yiri, “Fiiriya, Wankii Illaahey kaasoo qaada dembiga aduunka!


Waayo waxaad siisay awood ka sareysa dadka oo dhan, si uu nolosha weligeed ah u siiyo mid walba ee aad isaga siisay.


Waayo waad garaneysaan nimcada Sayidkeena Ciise masiix, inkastoo uu taajir ahaa dartiina ayuu miskiin iskaga dhigay, si aad fakhiirnimadiisa ugu noqotaan taajir.


Sharaf iyo ammaan oo dhan weligeed ha u ahaato Illaaha kaliga ah ee weligiis nool oo aan la arki karin boqorka daa’imka ah! Aamiin.


oo nagana dhigay boqortooyada wadaaddada si aan ugu adeegno Illaahiisa iyo Aabihiis, isaguna ammaan iyo awood weligeed ah ha u ahaato! Aamiin.


Dadka aduunka oo dhanna wey caabudi doonaan bahalka. Kuwaasna waa kuwa aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ee Wanka intaan aduunka la abuurin ka hor, buugana waxaa leh Wankii la gowracay.


waxeyna heesayeen heesaha adeegaha Illaahey ee Muuse iyo Wanka, iyagoo dhahaya, “Waxaa weyn oo yaab leh camalladaada, Rabbiyow Illaaha Weynow. Run iyo xaqnimo ayaa jidkaaga ah, Boqorkii quruumahaw.


Waxyaalahan kadib waxaan maqlay wax u eg cod dad badan oo jooga samada oona qeylinaya iyagoo leh, “Halleeluuya! Badbaadada iyo ammaanta iyo awoodda Illaahey ayaa leh,


“Waad istaahishaa, Rabbigeena iyo Illaaheenow, inaad hesho ammaan, xushmad iyo awood, waayo waxaad abuurtay wax walba, doonistaada ayeyna ku abuurmeen oona ku sii noolaadeen.”


Kadibna waxaan maqlay xayawaano walboo ku jira jannada, dhulka, dhulka hoostiis iyo kuwa badda ku jiraba, iyagoo dhahaya, “Barakada iyo sharafta, ammaanta iyo awoodda waxaa leh kan ku fadhiya carshiga iyo Wanka weligiis.”


Kadibna waxaan arkay Wan, kaasoo u eg mid la soo gowracay oo carshiga bartankiisa taagnaa, waxaana isaga ku wareegsanaa afarta xayawaan iyo odayaasha. Wankuna wuxuu lahaa toddobo geesood iyo toddobo indhood, taas oo ah toddobada ruux ee Illaah oo loo diray aduunka oo dhan.


Kadib markii uu soo qaaday buugii, afartii xayawaan iyo labaatan iyo afartii odayaal ayaa Wankii u sujuuday. Mid walbana wuxuu heystay kataarad, waxeyna gacanta ku hayeen baaquli dahab ah oo foox ka buuxo, taas oo ah ducooyinka dadka Illaahey.


Waxeyna heeseen hees cusub oo dhahaysa, “Waad istaahishaa inaad buugga qaadid oo aadna furtid shaabadiisa, waayo waa lagu gowracay, dhiigaada ayaad Illaahey ugu soo madax furatay dad ka tirsan qabiil walba, luuqad walba, iyo qowmiyad walba.


Waan fiirsanayay markii uu Wanku furayay middii ugu horeysay toddobada shaabadood. Kadibna waxaan maqlay mid ka mid ah afartii xayawaan oo ku dhahaya cod u eg onkod, “Kaalay!”


iyagoo leh, “Aamiin! Barako iyo ammaan xigmad iyo mahadcelin iyo sharaf iyo awood iyo xoog ha u ahaadaan Illaaheena weligeedba. Aamiin!”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan