Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 5:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 Kadibna mar labaad ayaan fiiriyay, waxaanna maqlay malaa’igo badan codkood, iyagoo tiradoodu tahay toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumanaan kun. Waxey ku wareegsadeen carshiga iyo xayawaanadii iyo odayaashii.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo anna carshigii iyo xayawaanadii iyo odayaasha hareerahoodii waxaan ku arkay oo ka maqlay malaa'igo badan codkood, oo tiradooduna waxay ahayd toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumaan kun;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 5:11
18 Iomraidhean Croise  

Laakiin hadda waxaad timaadeen buurta Siyoon iyo Yeruusaalemta jannada. Tani waa magaalada Illaaha nool, halkaasoo kumanaan malaa’iga ey iskugu yimaadeen si ey u dabaaldegaan,


Enoog wuxuu ahaa qofkii toddobaad Aadan kadib, wuxuuna dadkan wax ka sii sheegay markii uu yiri. “Bal eega! Rabbigu wuxuu la imaanayaa kumanaan iyo kumanaan malaa’igo quduus ah.


Kadibna waxaan maqlay wax u cod eg cod dad badan iyo guux weyn oo hirarka badda iyo wax sida onkod oo kale u yeeraya, oo leh, “Halleeluuya! Waayo Illaaha Rabbigeena ah ayaa wax xukuma.


Carshigaasna waxaa ku wareegsanaa labaatan iyo afar carshiyo oo kale, kuwaas oo labaatan iyo afar odayaal ku fadhiyeen. Waxey gashanaayeen dhar cad oo madaxana waxey ku wateen taajaj dahab ah.


Sidoo kale carshiga hortiisa waxaa ku yaalay wax u eg bad laga sameeyay muraayad dhalaal cad leh. Carshiga dhexdiisa iyo agagaarkiisa waxaa ku jiray afar xayawaan, meel walbana indho ayey ku lahaayeen horey iyo gadaalba.


Afartii xayawaan waxey yiraahdeen, “Aamiin,” Kadibna labaatan iyo afartii odayaal intey jilbaha dhigteen ayey caabudeen Wankii.


Kadibna waxaan arkay Wan, kaasoo u eg mid la soo gowracay oo carshiga bartankiisa taagnaa, waxaana isaga ku wareegsanaa afarta xayawaan iyo odayaasha. Wankuna wuxuu lahaa toddobo geesood iyo toddobo indhood, taas oo ah toddobada ruux ee Illaah oo loo diray aduunka oo dhan.


Kadib markii uu soo qaaday buugii, afartii xayawaan iyo labaatan iyo afartii odayaal ayaa Wankii u sujuuday. Mid walbana wuxuu heystay kataarad, waxeyna gacanta ku hayeen baaquli dahab ah oo foox ka buuxo, taas oo ah ducooyinka dadka Illaahey.


Malaa’igtii carshiga agtaagneyd oo dhan iyo odayaashii iyo afartii xayawaanba intey carshiga ku hor sujuudeen ayey caabudeen Illaahey,


Waxaan maqlay tirada ciidankooda ee fardooleyda ah iney yihiin 200 milyan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan