Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil.
si aad miiska boqortooyadeyda igula fariisataan, cabtaan, cuntaan oo carshiyada ku fariisataan si aad u xukuntaan laba iyo tobanka qabiil ee reer Israa’iil.”
Haddaba waxaa i sugaya abaalgudkii, kaasoo ah taajkii xaqnimada oo Rabbigu u xukumo si xaq ah uuna isiin doono maalinta uu soo noqon doono. Abaalmarintaanna aniga kaliya ma helayo ee waxaa helaya dhamaan kuwa aadka u jecel inuu soo muuqdo.
Waxeyna carshiga iyo afartii xayawaan iyo odayaasha ka hor heeseen hees cusub. Qofna heestaas ma baran karin waxaan ka ahayn boqol afartan iyo afartaas kun ee aduunka laga soo madax furtay.
Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.
Sidaa darteed waxaan idin dhahay dahab iga gata, dahab lagu sifeeyay dab, si aad taajir u noqotaan. Sidoo kalana dhar cad iga gata si eydan qaawanaantiina ceeb ugu dareemin, daawo iibsada si aad indhaha u marsataan oo aad wax u aragtaan.
Sidoo kale carshiga hortiisa waxaa ku yaalay wax u eg bad laga sameeyay muraayad dhalaal cad leh. Carshiga dhexdiisa iyo agagaarkiisa waxaa ku jiray afar xayawaan, meel walbana indho ayey ku lahaayeen horey iyo gadaalba.
Kadibna mar labaad ayaan fiiriyay, waxaanna maqlay malaa’igo badan codkood, iyagoo tiradoodu tahay toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumanaan kun. Waxey ku wareegsadeen carshiga iyo xayawaanadii iyo odayaashii.
Anyaxu wuxuu u egyahay sida faras diyaar u ah dagaal. Madaxyadooduna waxey ku wateen wax u eg sida taaj dahab ah, wejigooduna wuxuu u qaab ekaa kan binu aadanka.