Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 4:2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

2 Isla markiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo samadana waxaan ku arkey carshi kaasoo uu qof ku fadhiyay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

2 Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

2 Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 4:2
28 Iomraidhean Croise  

Markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Haddaba sidee ayey ku dhacday markii uu Daa’uud Ruuxa ka dhex hadlayay, inuu ugu yeeray ‘Sayid’? Waayo wuxuu yiri,


Ujeedada ugu weyn ee hadalkeygu waa inaan heysano wadaad sare kaasoo fadhiya dhinaca midig ee carshiga Illaaha weyn ee jannada ku yaala.


Maalinta Rabbiga, Ruuxa Quduuska ah ayaa igu soo dul dagay waxaan gadaasheyda ka maqlay cod u dheer sidii turumbada.


Waxeyna dhashay cunug wiil ah kaasoo aduunka u talin doona isaga oo isticmaalaya ul bir ah. Cunugiina waxaa kor loogu qaaday xagga Illaahey iyo carshigiisa.


Kadibna malagii ayaa xagga ruuxi ahaan i qaaday oo i geeyay meel cidlo ah. Waxaanna arkay naag ku fadhido bahal guduudan oo leh toddobo madax iyo toban gees kaasoo magacyo caay ah ku qoran yihiin.


Labaatan iyo afartii oday iyo afartii xayawaan wey sujuudeen oo Illaahey caabudeen, kaasoo carshiga ku fadhiyay. Waxeyna yiraahdeen, “Aamiin, Halleeluuya!”


Kadibna waxaan arkay carshi weyn oo cad iyo kan ku fadhiyo. Dunida iyo samadaba wey ka carareen joogitaankiisa, laakiin wey waayeen meel ey isku qariyaan.


Ruuxdeyda ayuu qaaday oo saaray buurta weyn oo dheer, wuxuuna itusay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem oo ka imaaneyso samada xagga Illaahey.


Kan carshiga ku fadhiyana wuxuu yiri, “Wax walba ayaan cusbooneysiinayaa!” Haddana wuxuu yiri, “Waxyaalahan qor, waayo waxaan kuu sheegayo waa ereyo lagu kalsoon yahay oo run ah.”


Midka guuleysta, waxaan siin doonaa xaqa uu igula fariisto carshigeyga, sida aan aniguba u ahay midka guuleystay oo aan ula fadhiyo Aabahay carshigiisa.


labaatan iyo afartii odayaal intey hortiisa ku dhacaan ayey caabudayeen kan weligiis nool. Intey taajajkooda carshiga hor dhigaan ayey dhahayeen.


Carshigana waxaa kasoo baxayay hillac, codad iyo onkod. Carshiga hortiisa waxaa yaalay toddobo laambadood oo shidan. Kuwaasi waa toddobada ruux ee Illaahey.


Mar walboo xayawaanadaas ey Illaahey ammaanaan, sharfaan oo ey u mahadceliyaan kan ku fadhiya carshiga kaasoo weligiis noolaanaya,


Kadibna waxaan gacanta midig ee kan ku fadhiya carshiga ku arkay buug labada dhinac wax uga qoran yihiin waxaana lagu shaabadeeyay toddobo shaabadood.


Kadibna waxaan maqlay xayawaano walboo ku jira jannada, dhulka, dhulka hoostiis iyo kuwa badda ku jiraba, iyagoo dhahaya, “Barakada iyo sharafta, ammaanta iyo awoodda waxaa leh kan ku fadhiya carshiga iyo Wanka weligiis.”


Waxeyna dhagaxyada buuraha ku yiraahdeen, “Bal nagu soo dul dhaca oo naga qariya wejiga kan carshiga ku fadhiya iyo carada Wanka!


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan