Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 4:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 “Waad istaahishaa, Rabbigeena iyo Illaaheenow, inaad hesho ammaan, xushmad iyo awood, waayo waxaad abuurtay wax walba, doonistaada ayeyna ku abuurmeen oona ku sii noolaadeen.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Rabbigayagow, Ilaahayagow, adigu waad istaahishaa inaad heshid ammaanta iyo cisada iyo xoogga, waayo, wax kasta adaa abuuray, maxaa yeelay, doonistaada aawadeed ayay u ahaadeen oo u abuurmeen.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Rabbigayagow, Ilaahayagow, adigu waad istaahishaa inaad heshid ammaanta iyo cisada iyo xoogga, waayo, wax kasta adaa abuuray, maxaa yeelay, doonistaada aawadeed ayay u ahaadeen oo u abuurmeen.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 4:11
31 Iomraidhean Croise  

“Walaalayaalow, maxaad sidan u sameyneysaan? Anaga xitaa waxaan nahay binu aadan idinka oo kale ah. Waxaan idiin keenay warka wanaagsan, waxaanna idiin sheegeynaa inaad kasoo leexataan waxyaalahan aan qiimaha lahayn oo aadna u timaadaan Illaaha nool, kaasoo sameeyay samooyinka, dhulka, badda iyo wax walboo ku dhex jira.


“Illaaha sameeyay aduunka iyo waxa ku jira oo dhan. Waa Rabbiga dhulka iyo samada, mana ku noola macbadka uu binu aadanku ku dhisay gacantiisa.


Waayo wax walba xaggiisey ka yimaadaan, awoodiisa ayeyna ku yihiin, ammaantiiseyna ku yihiin. Ammaan oo dhanna isaga ayey weligiis u sugnaatay! Aamiin.


Waxaa la ii doortay inaan qof walba u cadeeyo qorshahan la yaabka leh ee uu Illaaha ah abuuraha wax walba uu sir ka dhigay illaa bilowgii aduunka.


Qorniinku wuxuu kaloo leeyahay, “Bilowgii Illaaheyow waxaad fidisay aasaaska dhulka, samaduna waa shaqada gacmahaaga.


Laakiin waayadan wuxuu nagula hadlay isaga oo adeegsanaya Wiilkiisa, kaasoo uu u magacaabay kan dhaxlaya wax walba sidoo kalana isaga ayuu wax walba ku abuuray.


oo nagana dhigay boqortooyada wadaaddada si aan ugu adeegno Illaahiisa iyo Aabihiis, isaguna ammaan iyo awood weligeed ah ha u ahaato! Aamiin.


Wuxuuna ku dhaartay magaca kan weligiis nool, kaasoo abuuray samada iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, dhulka iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, badda iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan. Wuxuuna yiri, “Waqtigii sugitaanka wuu dhamaaday.


Wuxuuna cod dheer ku yiri, “Illaahey ka cabsada oo siiya ammaantiisa, waayo waqtigiisa wax la xukumayo wuu yimid. Caabuda kan abuuray samada, dhulka, badda iyo ilaha biyaha.”


Waxyaalahan kadib waxaan maqlay wax u eg cod dad badan oo jooga samada oona qeylinaya iyagoo leh, “Halleeluuya! Badbaadada iyo ammaanta iyo awoodda Illaahey ayaa leh,


Cod dheer ayey ku dhahayeen, “Wanka la gowracay ayaa u qalma, inuu helo awood, maal, xigmad iyo xoog sharaf iyo ammaan iyo barako!”


Waxaanna arkay malag weyn oo cod dheer ku dhahaya, “Yaa u qalma inuu kala bixiyo buugga oona furo shaabadda?”


Waxeyna heeseen hees cusub oo dhahaysa, “Waad istaahishaa inaad buugga qaadid oo aadna furtid shaabadiisa, waayo waa lagu gowracay, dhiigaada ayaad Illaahey ugu soo madax furatay dad ka tirsan qabiil walba, luuqad walba, iyo qowmiyad walba.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan