Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 3:5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

5 Kuwa guuleysta iyaga xitaa waxaa loo xiri doonaa dhar cad. Weligeyna magacooda kama tiri doono buugga nolosha, laakiin waxaan ku qiran doonaa Aabahay iyo malaa’igtiisa hortooda iney yihiin kuweyga.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

5 Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

5 Kii guulaystaa sidaasuu u xidhan doonaa dhar cad; oo anna sinaba magiciisa ugama tirtiri doono kitaabka nolosha, oo waxaan magiciisa ka qiran doonaa Aabbahay hortiisa iyo malaa'igihiisa hortooda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 3:5
23 Iomraidhean Croise  

“Mid walboo igu qirta dadka hortooda, waxaan aniguna ku qiran doonaa Aabahayga jannada ku jira hortiisa.


Laakiin haku farxina ruuxyada wasakhda leh ee amarka idin ka qaatay darteed, balse ku farxa magacyadiina iney ku qoran yihiin jannada.”


“Waxaan idin ku leeyahay, mid walboo dadka hortooda igu qirta, Wiilka Aadanahuna malaa’igta iyo Illaahey hortiisa ayuu ku qiran doonaa.


Haa, waxaan adiga ku weydiisanayaa, wehelkeyga runta ah inaad caawisid labadan haweeney, waayo aad ayey ila dadaaleen markaan kuwa kale u sheegayay warka wanaagsan. Waxaa kale oo ey la shaqeeyeen Kaleemeentos iyo kuwa kale ee ila shaqeeya, kuwaasoo magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha.


Illaaha badbaadiyaheena ah ugu mahadceliya Rabbigeena Ciise Masiix dartiis. Illaah kaliya ayaa idin ka ilaalin kara in eydan kufin, oo wuxuu idin ka dhigi karaa kuwo daahir ah oo ku faraxsan hor joogiisa ammaanta leh.


Dadka aduunka oo dhanna wey caabudi doonaan bahalka. Kuwaasna waa kuwa aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ee Wanka intaan aduunka la abuurin ka hor, buugana waxaa leh Wankii la gowracay.


Bahalka aad aragtay wuu noolaan jiray, laakiin hadda ma noolo. Mar dhow ayuuna ka imaan doonaa bohosha oona tagi doonaa halka lagu burburin doono. Dadka dunidan ku nool oo aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ka hor abuurka, wey la yaabi doonaan markii uu bahalka soo baxo kaasoo horey u dhintay.


Waxaana la siiyay dhar cad fiican oo nadiif ah si ey u gashato.” (Waayo dharka fiican wuxuu u taagan yahay camallada wanaagsan ee dadka Illaahey ee quduuska ah.)


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siinayaa xaqa uu ku cuno geedka nolosha ee ku yaala jannada Illaahey.


Waxaan arkay kuwo dhintay, yar iyo weynba iyagoo hor taagan carshiga Illaahey. Buugaagtana waa la furay xitaa buugga nolosha. Kuwii dhintayna waxaa lagu xukumay wixii ey sameeyeen, sida buugga ku qoran.


Qof walboo uusan magaciisu ku qorneyn buugga nolosha waxaa lagu tuuray warta dabka ah.


Wax wasaq ah ma loo ogolaan doono iney galaan, xitaa kuwa sameeyay waxyaalaha karaahiyada ah ama khiyaanada, laakiin waxa kaliya ee galaya waa kuwa magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha ee Wanka.


Haddii uu qof wax ka saaro wax sii sheegida buuggan, Illaaheyna wuu ka saari doonaa qeybtii uu ku lahaa geedkii nolosha iyo magaalada quduuska ah ee lagu soo sharaxay buuggan.


Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa.


Laakiin qaar ka mid ah dadka ka tirsan kaniisadda Sardis oo aan wasaqeyn dharkood, wey ila socon doonaan iyaga oo xiran dhar cad, waayo wey u qalmaan.


Kadibna mid walba waxaa la siiyay maro cad, waxaana lagu yiri in yar suga, illaa dhamaan kuwa adeegayaasha, walaalaha iyaguna sidooda la soo dilo.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan