Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 3:4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

4 Laakiin qaar ka mid ah dadka ka tirsan kaniisadda Sardis oo aan wasaqeyn dharkood, wey ila socon doonaan iyaga oo xiran dhar cad, waayo wey u qalmaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

4 Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

4 Laakiinse waxaad Sardis ku leedahay dhawr qof oo aan dharkooda nijaasayn; oo anigay ila socon doonaan iyagoo dhar cad qaba; maxaa yeelay, way istaahilaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 3:4
31 Iomraidhean Croise  

Haddaba marka aad magaalo ama tuulo gashaan, raadiya qof istaahila inaad marti u noqotaan gurigiisana jooga illaa aad meeshaas ka tagtaan.


Goortii ey xabaashii dhagaxa laga sameeyay galeen ayey arkeen nin dhar cad qaba oo fadhiya dhinaca midigta ah. Dumarkii aad ayey iskugu naxeen.


Laakiin kuwa istaahila iney ka qeyb qaataan waqtiga soo socdo iyo kasoo sarakicidda dhimashada ma guursan doonaan lamana guursan doono,


Is ilaaliya, mar walbana ku duceysta si aad u awoodaan inaad ka baxsataan waxaas dhici doona, oo aad u awoodaan inaad hor istaagtaan Wiilka Aadanaha.”


Maalin ayaa waxaa jiray kulan ey iskugu imaanayeen walaalo gaaraya boqol iyo labaatan, waxaana istaagay Butros


Arintan oo dhan waxey muujineysaa xukunka Illaahey ee xaqa ah, sababtan darteed ayaa la idin ku tirin doonaa kuwa u qalma boqortooyada Illaahey taas oo aad dhib u marteen.


Badbaadiya mid kastoo u baahan in la badbaadiyo, sidii aad qof uga badbaadin lahaydeen dab. Naxariis lahaada laakiin si taxadar leh u sameeya, idinkoo nacaya dharkooda ku wasakhoobay jirkooda kharibmay.


Codkuna wuxuu yiri, “Wixii aad aragtid buug ku qor una dir toddobada kaniisadood kuwaasoo ah, Efesos, Simurna, Bergamos, Tu’ateyra, Sardis, Filadelfiya iyo La’odikiya.”


Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen.


Kuwan waa kuwa isku nijaaseyn dumarka, kuwaasoo Wanka u raacaya meel walboo uu tago. Waxaa laga soo dhex madax furtay dadka aduunka sida allabariyo ku qaali ah Illaahey iyo Wankaba.


Ciidankiisi samada joogay ayaa isaga raacay, iyagoo wada faras cad oona gashan dhar cad oo fiican nadiifna ah.


Waxaana la siiyay dhar cad fiican oo nadiif ah si ey u gashato.” (Waayo dharka fiican wuxuu u taagan yahay camallada wanaagsan ee dadka Illaahey ee quduuska ah.)


Sidaa darteed waxaan idin dhahay dahab iga gata, dahab lagu sifeeyay dab, si aad taajir u noqotaan. Sidoo kalana dhar cad iga gata si eydan qaawanaantiina ceeb ugu dareemin, daawo iibsada si aad indhaha u marsataan oo aad wax u aragtaan.


Kuwa guuleysta iyaga xitaa waxaa loo xiri doonaa dhar cad. Weligeyna magacooda kama tiri doono buugga nolosha, laakiin waxaan ku qiran doonaa Aabahay iyo malaa’igtiisa hortooda iney yihiin kuweyga.


Carshigaasna waxaa ku wareegsanaa labaatan iyo afar carshiyo oo kale, kuwaas oo labaatan iyo afar odayaal ku fadhiyeen. Waxey gashanaayeen dhar cad oo madaxana waxey ku wateen taajaj dahab ah.


Kadibna mid walba waxaa la siiyay maro cad, waxaana lagu yiri in yar suga, illaa dhamaan kuwa adeegayaasha, walaalaha iyaguna sidooda la soo dilo.


Waxyaalahaas kadibna waxaan arkay dad badan oo aan la xisaabi karin, waxey ka kala yimaadeen aduunka oo dhan, iyagoo iskugu jira qabiil walba, qowmiyad walba iyo luuqad walba waxeyna taagnaayeen carshiga iyo Wanka hortiisa. Waxeyna gashanaayeen maryo cad oo gacantana waxey ku hayeen caleen timireed.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan