Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 3:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 Sidaa darteed xasuusta, waxaad hesheen oo aad maqasheen, adkeeya oo toobadkeena. Laakiin haddii eydan baraarugin, sida tuug ayaan u imaan doonaa, mana ogaan doontaan waqtiga aan idiin imaanayo.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobad keen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Haddaba sidaas daraaddeed xusuuso sidii aad u heshay oo aad u maqashay, oo xaji, oo toobadkeen. Laakiinse haddii aadan soo jeedin, waxaan u iman doonaa sida tuug oo kale, mana aad ogaan doontid saacadda aan kuu iman doono.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 3:3
24 Iomraidhean Croise  

“Sidaa darteed is ilaaliya, waayo ma garaneysaan maalinta iyo waqtiga uu Wiilka Aadanahu imaanayo.


Is ilaaliya! Waayo ma garaneysaan waqtiga ey waxyaalahan dhici doonaan.


Haddii uu yimaado isaga oo aan la filaneyn yuusan idin helin idinka oo jiifa.


Waayo si fiican ayaad u ogtihiin maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono inuu habeenkii u imaan doono sida tuug.


Timoteyosow ilaali amaanada Illaahey masuulka kaaga dhigay! Ha dhageysan hadallada quraafaadka ah iyo doodda macno darada ah oo ey dadka qaar aqoonta ugu yeeraan laakiin aan ahayn.


Haddaba ku dayo waxbaridda saxda ah ee aan ku siiyay, oo rumeysadka iyo jaceylka Ciise Masiix ha kula jiraan.


Sidaa darteed waa inaan aad uga taxadarnaa wixii aan maqalnay, si aanan u baadiyoobin.


Waxaan u maleynaya iney sax tahay inaan idin xasuusiyo intaan jirkaan ku noolahay.


Saaxiibadeyda qaaliga ahow, tani waa warqadeydii labaad ee aan idiin soo diray. Waxaan labada warqad idiin kugu soo diray si aan idin ku dhiirigeliyo inaad si daacad ah u fikirtaan aniga oo idin xasuusinayo waxyaalihii aad horey u barateen.


Laakiin maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono waxey u imaan doontaa si qarsoodi ah. Samooyinka guux ayey ku burburi doonaan, waxyaalaha kalana waxey ku baabi’i doonaan dab, aduunka iyo waxa ku jira oo dhan waa la gubi doonaa.


“Bal fiiri, waxaan u imaan doonaa sida tuug! Waxaana barakeysan dhamaan kuwa i sugaya, oona dharkoodi gashan si eysan u soconin iyagoo qaawan oo ceeb dareemaya.”


waxaan ka ahayn inaad ku adkeystaan waxaad horey u haysateen illaa aan ka imaado.


Bal xasuusta sidaad wax u jeclaan jirteen. Toobadkeena oo sameeya wixii aad horey u sameyn jirteen. Haddii aad toobadkeeni weysaan, waan idiin imaanayaa oo laambadiina ayaan halkii ey taalay ka qaadi doonaa.


“Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.”


Mar dhow ayaan imaan doonaa. Ku adkeysta waxaad horey u haysateen, si uusan qofna taajkiina idin kaga qaadin.


Kuwa aan jeclahay waan canaantaa oo waan edbiyaa. Sidaa darteed wax wanaagsan sameeya oo toobadkeena.


Bal kaca oo adkeeya waxa yar ee idiin haray waayo xitaa intaas yar ee idiin hartay wey dhiman rabtaa. Waayo camalladiina uma qalmaan waxyaalihii uu Illaahey rabay.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan