Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil.
si aad miiska boqortooyadeyda igula fariisataan, cabtaan, cuntaan oo carshiyada ku fariisataan si aad u xukuntaan laba iyo tobanka qabiil ee reer Israa’iil.”
Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.
Markaan fiiriyayna waxaan arkay faras cad oo i hor taagan. Midka wadana wuxuu hayay qaanso, waxaana la siiyay taaj, wuuna tagay si uu ugu soo guuleysto dagaallo badan oo uu guusha u helo.