Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 3:12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

12 Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

12 Kii guulaysta waxaan ka dhigi doonaa tiir ku jira macbudka Ilaahayga, halkaasna mar dambe kama bixi doono, oo waxaan dushiisa ku qori doonaa magaca Ilaahayga, iyo magaca magaalada Ilaahayga, taas oo ah Yeruusaalemta cusub, oo samada iyo xagga Ilaahayga ka soo degaysa, iyo xataa magacayga cusub.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 3:12
26 Iomraidhean Croise  

Waxey u keeneen diinaar, markaas ayuu Ciise iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisa ku yaalaa diinaarkan?” Waxey ugu jawaabeen, “Kaysar.”


Yacquub, Keeyfas iyo Yooxanaa kuwaas oo kaniisadda tiirar u ah ayaa aqoonsadeen nimcada Illaahey i siiyay, aniga iyo Barnabasna waxey na siiyeen gacanta midigta ee wehelnimada. Waxeyna nagu dhiirageliyeen inaan usii wacdino dadka aan Yuhuudda ahayn, oo iyaguna wey kasii shaqeynayaan Yuhuudda.


Abuuraha wax walboo samada ku jira iyo wax walboo dhulka jooga.


Laakiin hadda waxaad timaadeen buurta Siyoon iyo Yeruusaalemta jannada. Tani waa magaalada Illaaha nool, halkaasoo kumanaan malaa’iga ey iskugu yimaadeen si ey u dabaaldegaan,


Dhulkan kuma lihin magaalo waarta laakiin waan sugeynaa magaalo sidaas ah.


Caruurteydiyey, waxaad ka tirsan tihiin Illaah, oo waad ka adkaateen cadowyadiina. Ruuxa Illaah ayaa idin ku jira oo wuu ka xoog badan yahay kan aduunka jooga.


Kadibna waxaan arkay Wanka oo taagan buur Siyoon korkeeda, isagana waxaa la jiray boqol afartan iyo afar kun oo qof kuwaas oo magaciisa iyo magaca Aabihiis wejiga uga qornaa.


Iyaguna waxey la dagaalami doonaan Wanka, laakiin Wanku wuu ka guuleysan doonaa waayo isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada. Waxaa la jiri doona kuwiisa aaminka ah ee uu doortay una yeeray.”


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siin doonaa qaar ka mid ah maannada qarsoon. Sidoo kale waxaan qofkaas siin doonaa dhagax cad kaasoo magac cusub ku qoran yahay, magacaas oo qof kale uusan garaneyn waxaan ka ahayn midka loo qoray.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siinayaa xaqa uu ku cuno geedka nolosha ee ku yaala jannada Illaahey.


Waxaanna arkay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem cusub taas oo samada xagga Illaahey ka imaaneyso, iyadoo u diyaarsan sida aroosad oona u labisan ninkeeda.


Waxeyna arki doonaan wejigiisa, magaciisa ayaana lagu qori doonaa wejigooda.


Kuwa guuleysta iyaga xitaa waxaa loo xiri doonaa dhar cad. Weligeyna magacooda kama tiri doono buugga nolosha, laakiin waxaan ku qiran doonaa Aabahay iyo malaa’igtiisa hortooda iney yihiin kuweyga.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan