Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 3:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 Mar dhow ayaan imaan doonaa. Ku adkeysta waxaad horey u haysateen, si uusan qofna taajkiina idin kaga qaadin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Anigu dhaqsaan u imanayaa. Haddaba xaji waxaad haysatid si aan ninna taajkaaga kaaga qaadin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 3:11
19 Iomraidhean Croise  

Dadka ordaya aad ayey u dadaalaan si ey u helaan taaj dhamaanaya, laakiin anagu waxaan u dadaaleynaa si aan u helno taajka aan weligiis dhamaaneynin.


Intey dabacsanaantaadu la egtahay qof walba hakaa arko. Waayo Sayidku mar dhow ayuu imaan doonaa.


Sidoo kale, qof kastoo u tartama sida ciyaartoyda ma helo taajka guusha marka laga reebo inuu ku tartamo sharciga.


Haddaba waxaa i sugaya abaalgudkii, kaasoo ah taajkii xaqnimada oo Rabbigu u xukumo si xaq ah uuna isiin doono maalinta uu soo noqon doono. Abaalmarintaanna aniga kaliya ma helayo ee waxaa helaya dhamaan kuwa aadka u jecel inuu soo muuqdo.


Illaahey wuu barakeeyaa kuwa u samra imtixaanada iyo jarribaadda. Qofkaas wuxuu heli doonaa taajka nolosha ee Rabbigu ka ballan qaaday kuwa isaga jecel.


Walaalayaal midkiinba midka kale yuusan ka gunuunicin, haddii kale waa la idin xukumayaa, oo xaakinku albaabka ayuu taagan yahay.


Waxaa barakeysan midka kaniisadda ka akhriya ereyadan lasii sheegay, waxaa kale oo barakeysan kuwa maqla oona adeeca, waayo waqtigu wuu dhowyahay.


“Bal fiiri, waxaan u imaan doonaa sida tuug! Waxaana barakeysan dhamaan kuwa i sugaya, oona dharkoodi gashan si eysan u soconin iyagoo qaawan oo ceeb dareemaya.”


Haka cabsanina dhibaatada idiin soo socota. Waxaan idin ku leeyahay ibliisku wuxuu qaarkiin dhigi doonaa xabsiga si uu idiin jarribo, toban maalmood ayaad silac la kulmi doontaan. Noqda kuwa aamin ah, xitaa illaa dhimasho, waxaanna idin siin doonaa taajka nolosha.


Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.


waxaan ka ahayn inaad ku adkeystaan waxaad horey u haysateen illaa aan ka imaado.


“Fiiri, mar dhow ayaan imaanayaa! Waxaan keenayaa abaalmarinteyda, qof walbana wuxuu sameeyay ayaa lagu abaalmarin doonaa.


Mid walboo waxyaalahan u marqaatifuraya ha dhaho, “Haa mar dhow ayaan imaanayaa.” Aamiin. Kaalay, Sayid Ciisow.


“Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.”


Sidaa darteed xasuusta, waxaad hesheen oo aad maqasheen, adkeeya oo toobadkeena. Laakiin haddii eydan baraarugin, sida tuug ayaan u imaan doonaa, mana ogaan doontaan waqtiga aan idiin imaanayo.


labaatan iyo afartii odayaal intey hortiisa ku dhacaan ayey caabudayeen kan weligiis nool. Intey taajajkooda carshiga hor dhigaan ayey dhahayeen.


Carshigaasna waxaa ku wareegsanaa labaatan iyo afar carshiyo oo kale, kuwaas oo labaatan iyo afar odayaal ku fadhiyeen. Waxey gashanaayeen dhar cad oo madaxana waxey ku wateen taajaj dahab ah.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan