Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 3:10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

10 Waayo waxaad xajiseen amarkeyga idinkoo ku samraya, aniguna waan idin ka ilaalin doonaa waqtiga jarribaadda ee u soo socda aduunka oo dhan si loo jarribo waxyaalaha aduunka jooga oo dhan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

10 Adigu waxaad dhawrtay ereygayga oo aad dulqaadatay, oo sidaas daraaddeed waxaan kaa dhawri doonaa saacadda jirrabaadda oo dhowaan u imanaysa dunida oo dhan inay jirrabto kuwa dhulka deggan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 3:10
30 Iomraidhean Croise  

Warkan wanaagsan ee boqortooyada Illaaheyna waxaa lagu wacdin doonaa aduunka oo dhan si uu marqaatifur ugu noqdo quruumaha oo dhan, markaas kadib ayaa dhamaadka aduunkan la gaari doonaa.


Soo jeeda oo duceysta si eydan jarribaadda ugu dhicin. Ruuxdu wey rabtaa laakiin jirku waa daciif.”


Jarribaadda ha noo kaxayn, laakiin sharka naga badbaadi, waayo boqortooyada, xoogga iyo ammaanta adiga ayaa leh weligaa. Aamiin.’


Runtii waxaan idin ku leeyahay, meel walboo aduunka ka mid ah oo injiilka laga wacdiyo waxey sameyseyna waa laga sheegi doonaa si iyada loogu xasuusto.”


Maalmahaas Kaysar Agustus ayaa amar ku bixiyay in dhulka Roomaanka oo dhan tirakoob lagu sameeyo.


“Waxaan magacaaga u muujiyay kuwii aad aduunka iga siisay. Waxey ahaayeen kuwaagii laakiin waad i siisay weyna adeeceen ereygaaga.


Ugu horeyn waxaan magaca Ciise Masiix Illaahey ugu mahadcelinayaa idinka dartiin, sababtoo ah iimaankiina waxaa laga ogaaday aduunka oo dhan.


Sida dadka kaloo dhan ayaa la idiin jarribaa idinkana. Illaaheyna waa kan aaminka ah waayo ma ogolaanayo in la idin jarribo intaad awoodaan ka badan. Laakiin markii la idin jarribo xal ayuu idiin keenayaa si aad ugu adkeysataan.


Sidaa darteed xirta Illaahey hubkiisa dhameystiran, si marka maalinta sharta lihi timaado aad uga hor tagtaan markii uu dagaalka dhamaadana aad weli awood u lahaataan.


Haddii aan u adkaysanno dhibaatada. Anaguna isaga ayaan la talin doonnaa. Isaga haddii aan diidno, wuu na diidi doonaa.


Walaalayaalow, geed berde ah miyuu dhali karaa mirro saytuun ah, canabkuna miyuu soo saaraa mirro berde ah? Biyaha macaanka ah miyey ka yimaadaan ceel ey ka buuxaan biyo dhanaan ah?


Saaxiibayaalow, hala yaabina waxyaalaha xanuunka leh ee aad mareysaan, waayo waxaad tihiin kuwa Masiixa. Waxyaalahaas waa la idin ku tijaabinayaa oo kaliya, sidaa darteed ha u maleynina iney waxyaalo cajiib ah idin ku dhacayaan.


Haddaba ma aragtaan, Rabbigu wuu garanayaa siduu uga badbaadiyo jarribaadda kuwa ku nool nolol isaga ka farxisa, oo uu kuwa aan xaqa ahayn u ciqaabo illaa maalinta xukunka.


Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya.


Dadka aduunkan jooga oo dhan wey dabaaldegi doonaan weyna ku farxi doonaan, waxeyna is siin doonaan hadiyad waayo labada nebi ee iyaga soo dhibay dhimashadooda darteed.


“Haddii mid loo qoro inuu maxbuus noqdo, xabsi ayaa la geynayaa. Haddii mid loo qoro inuu ku dhiman doono seef, seef ayuu ku dhiman doonaa.” Tani waxey tahay in dadka Illaahey ey u dulqaataan silaca iyagoo u samraya oona ahaadaan kuwa aamin ah.


Mucjisadii loo ogolaaday inuu sameeyo beddelkii bahalka hore, wuxuu khiyaanay dadkoo dhan kuwaas oo ah kuwa aduunka. Wuxuuna dadka ku amray iney taalo weyn u dhisaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay oona nolol kusoo laabtay.


Dadka aduunka oo dhanna wey caabudi doonaan bahalka. Kuwaasna waa kuwa aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ee Wanka intaan aduunka la abuurin ka hor, buugana waxaa leh Wankii la gowracay.


Tani macnaheedu waa in dadka Illaahey u dulqaataan silaca iyagoo ku samraya, oona ilaalinaya amarradiisa, iimaanka ey Ciise ku lahaayeenna sii heystaan.


Waxaan arkay malag kale oo hawada ku duulayo isaga oo wada injiilka daa’iimka ah si uu u soo wacdiyo kuwa ku nool aduunka, quruumaha oo dhan, qabiilada oo dhan, luuqadaha oo dhan iyo dadka oo dhan.


Waxey ahaayeen ruuxyo wasakh leh kuwaas oo sameynaya calaamado, waxeyna u tagaan boqortooyada aduunka oo dhan si ey iskugu keenaan, dagaalka ey Illaahey la leeyihiin dartiis maalinta weyn ee xukunka Illaaha weyn.


Boqorrada aduunka wey la sineysteen, xitaa dadka aduunku waxey ku sumoobeen khamrada sinadeeda.”


Bahalka aad aragtay wuu noolaan jiray, laakiin hadda ma noolo. Mar dhow ayuuna ka imaan doonaa bohosha oona tagi doonaa halka lagu burburin doono. Dadka dunidan ku nool oo aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ka hor abuurka, wey la yaabi doonaan markii uu bahalka soo baxo kaasoo horey u dhintay.


Haka cabsanina dhibaatada idiin soo socota. Waxaan idin ku leeyahay ibliisku wuxuu qaarkiin dhigi doonaa xabsiga si uu idiin jarribo, toban maalmood ayaad silac la kulmi doontaan. Noqda kuwa aamin ah, xitaa illaa dhimasho, waxaanna idin siin doonaa taajka nolosha.


Waan ogahay camalladiina. Bal eega waxaan hortiina dhigay albaab furan oo uusan qofna xiri karin. Waan ogahay inaad leedihiin xoog yar, laakiin weli ereyadeyda ayaad adeecdeen oo magaceygana ma eydan diidin.


Waxeyna ku qayliyeen cod dheer iyagoo leh, “Ilaa goorma Rabbiga Weynow, midka quduuska oo runta ah, oo aad xukumi doontaa dadka aduunka oona nooga aargudi doontaa dhiigeena?”


Kadibna waan fiiriyay oo waxaan arkay gorgor hawada ku duulaya isaga oo dhahaya, “Hoog! Hoog! Hoog ha u sugnaado kuwa aduunka jooga oo dhan, waxa dhici doono markey saddexda malaa’ig buunka ka dhawaajiyaan dartiis.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan