Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 22:6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

6 Malagii ayaa igu yiri, “Ereyadan waa kuwo lagu kalsoon yahay oo run ah, Illaahii ruuxyada nebiyada dhiirigeliyay ayaa malagiisi soo diray si uu u tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

6 Oo markaasay malaa'igtii waxay igu tidhi, Erayadanu waa aamin iyo run; oo Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada nebiyada ayaa malaa'igtiisii u soo diray inuu addoommadiisa tuso waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

6 Oo markaasay malaa'igtii waxay igu tidhi, Erayadanu waa aamin iyo run; oo Rabbiga ah Ilaaha ruuxyada nebiyada ayaa malaa'igtiisii u soo diray inuu addoommadiisa tuso waxyaalaha waajibka ah inay dhowaan dhacaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 22:6
26 Iomraidhean Croise  

Wiilka Aadanahu wuxuu diri doonaa malaa’igtiisa, waxeyna boqortooyada Illaahey kasoo ururin doonaan qof walboo xumaan sameeya ama dadka u sababa iney dembi sameeyaan.


Sidii uu ku sheegay nebiyadiisi hore ee quduuska ahaa.


“Sharciga Muuse iyo nebiyada waxey jireen illaa Yooxanaa. Ilaa waqtigaas, warka wanaagsan ee boqortooyada Illaahey ayaa lagu wacdinayay, qof walbana wuxuu ku dadaalayay inuu galo.


Markaas ayaa Butros baraarugay oo yiri, “Hadda si aan shaki ku jirin ayaan u ogahay in Rabbigu ii soo diray Malagiisa igana samatabixiyay wixii uu Herodos ila damacsanaa iyo wixii ey dadka Yuhuuddu rajeynayeen iney igu dhacdo.”


Laakiin Illaahey sidaas uu uga dhabeeyay wixii uu ku sheegay afafkii nebiyada oo dhan taas oo ahayd in Masiixu silci doono.


Illaahey warkan wanaagsan waqti hore ayuu ballanqaaday sida ey nebiyadiisu ku sheegeen qorniinka Quduuska ah.


Kuwa hadiyada nebinimada leh ruuxdooda xoog ayey u leedahay wax sii sheegida.


Laakiin walaalayaalow waxaan idin leeyahay waqtigii waa la gaaray, haddaba haddaad naag qabto ama aadan qabin waxba ma aha.


Wuuna idin nasin doonaa idinkan dhibaateysan iyo anagaba. Tani waxey dhici doontaa waqtiga uu Sayid Ciise ka yimaado samada isaga oo ku imaanaya dab holcaya oo eyna malaa’igtiisa xoogga leh la jirto.


Aabayaasheenna dunidu wey na saxaan waanna ixtiraamnaa. Soo kama sii wanaagsana inaan adeecno sixida Aabaheena ruuxiga ah si aan weligeen u noolaano!


ama binu aadanka. Maya, nebiyadaas waxaa ka dhex shaqeyn jiray Ruuxa Quduuska ah, waxeyna ka hadli jireen waxyaalaha xagga Illaahey ka yimaada.


Waxaan rabaa inaad xasuusataan Hadalladii nebiyada quduuska ah ey mar hore sheegeen iyo wixii Sayidkeena iyo Badbaadiyaheena nagu amray isaga oo u maraya rasuuladiini.


Tani waa muujin ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey siiyay inuu tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona. Wuxuu soo diray malag si uu muujintaan ugu keeno adeegihiisa Yooxanaa.


“Samooyinkow ku farxa waxa iyada ku dhacay! Dadka Illaahey idinkana ku farxa! Rasuullada iyo nebiyadow idinkuna farxa! Waayo Illaahey wuxuu xukumay iyada xukunkii ey isu keentay.”


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Arintan qor. Waxaa barakeysan kuwa laga casuumay dabaaldegga arooska Wanka.” Wuxuuna ku daray, “Kuwani waa ereyada runta ah ee Illaahey ka yimid.”


Kan carshiga ku fadhiyana wuxuu yiri, “Wax walba ayaan cusbooneysiinayaa!” Haddana wuxuu yiri, “Waxyaalahan qor, waayo waxaan kuu sheegayo waa ereyo lagu kalsoon yahay oo run ah.”


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee hayay toddobada baaquli oo ey balaayada ka buuxday ayaa yimid oo igu yiri, “Kaalay, aan ku tusee aroosada, xaaskii Wanka.”


Kadib malagii wuxuu i tusay webi biyo nolol ah leh, kaasoo sida muraayad u cad, wuxuuna kasoo qulqulayay xagga carshiga Illaahey iyo xagga Wanka.


“Aniga oo ah Ciise, waxaan idiin soo diray malageyga si uu idiin siiyo marqaatifurkaan kaniisadda darteed. Waxaan ahay xididka iyo farcanka Daa’uud, waxaan ahay xiddigii waaberi ee dhalaalayay.”


“Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.”


Waxyaalahan kadib waxaan helay muujin waxaanna samada ka arkay albaab furan. Codkii aan markii hore maqlay ayaa ila hadlay sida buun isaga oo dhahaya, “Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa waxa dhaci doona waxyaalahan kadib.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan