Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil.
Haddaba haddii dembigii Aadan dartiis ey dadku ku xukunnaayeen dhimasho, intee ka badan ayey kuwa helay nimcada Illaahey iyo hadiyada xaqnimada ku raaxeysanayaan nolol Ciise Masiix dartiis.
Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.