Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 22:11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

11 Daa kan sharta sameynayo ha sii wadee, kan xumaanta sameeyana ha sii wado, kan waxa saxda ah sameeyana ha sii wado, kuwa xaqa ahna ha sii ahaadaan kuwo xaq ah.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

11 Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

11 Oo kii xaqdaranu xaqdarro ha sii sameeyo; oo kii nijaas ahna nijaas ha laga sii dhigo; kii xaq ahuna xaqnimo ha sii sameeyo; kii quduus ahuna quduus ha laga sii dhigo.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 22:11
22 Iomraidhean Croise  

Iska dhaafa waayo iyagu waa indhoolayaal indhoolayaal kale hogaaminaya, markii uu indhoole hogaamiyo indhoole kale iyagoo dhan hog ayey ku wada dhacaan.”


Wuxuu wadada ku arkay geed berde ah, laakiin markii uu ag yimid wax mirro ah ma lahayn caleemo kaliya ayaa ku yaalay. Markaas ayuu geedkii ku yiri, “Weligaa mirro ha dhalin!” Isla markii ayuu geedkii qalalay.


“Markey tageen si ey u soo gataan naafto ayaa waxaa yimid ninkii arooska ahaa. Gabdhihii diyaarka ahaa ayaa u raacay arooskii oo gurigii arooska la galay, albaabkiina waa la xiray.


si aad u noqotaan caruurta Aabihiinna jannada ku jira. Waayo wuxuu qoraxdiisa u soo bixiyaa kan sharka leh iyo kan wanaagsanba, wuxuuna roob u di’iyaa kan xaqa ah iyo kan aan xaqa ahaynba.


Waxaa barakeysan kuwa u gaajooda oo u haraada xaqnimada darteed, waayo wey dhargi doonaan.


Kadib Ciise wuxuu dadkii ku yiri, “Waan tagayaa, waadna i raadin doontaan. Laakiin ma tagi kartaan meesha aan tagayo, dembiyadiina ayaad ku dhiman doontaan idinka oo aan la idin cafinin.”


Wuxuu sidaas u sameeyay waa inuu lahaado kaniisad qurux badan oo aan lahayn xumaan, ceeb iyo waxyaalo la mida, laakiin quduus ah oo aanan eed lahayn.


Laakiin wuxuu idinkula heshiisiiyay jirka Masiixa oo maray dhimasho si uu idinka oo quduus ah isu hor keeno, idinka oo aan eed lahayn oo la idin ka xoreeyay eed.


Laakiin kuwa sharka leh oo iska dhigaya wax eysan ahayn, wey sii xumaan doonaan, waxey khiyaani doonaan kuwa kale oo iyagana waa la khiyaani doonaa.


Illaaha badbaadiyaheena ah ugu mahadceliya Rabbigeena Ciise Masiix dartiis. Illaah kaliya ayaa idin ka ilaalin kara in eydan kufin, oo wuxuu idin ka dhigi karaa kuwo daahir ah oo ku faraxsan hor joogiisa ammaanta leh.


Cirka waxaa da’ay roob sida dhagaxyo baraf ah, dhagaxyadaas oo uu culeyskoodu u dhowaa afartan iyo shan kiiloogaraam ayaa dadka kusoo dul dhacayay. Balaayadaan darteed ayey Illaahey u inkaareen, waayo balaayadu wey darneyd.


Wax habaaranna ma jiri doono. Waayo carshiga Illaahey iyo kan Wankaba magaaladaas ayey joogaan, adeegayaashiisa ayaa u adeegi doona.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan