Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 22:10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

10 Kadibna wuxuu igu yiri, “Haka shaabadeynin ereyadan wax sii sheegida buuggan ku jirto, waayo waqtigu wuu soo dhowaaday.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

10 Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

10 Oo haddana waxay igu tidhi, Shaabad ha ku xidhin erayada wax sii sheegidda oo kitaabkan lagu qoray, waayo, wakhtigii waa dhow yahay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 22:10
21 Iomraidhean Croise  

Wixii aan mugdiga idiin ku sheego, iftiinka ku sheega, wixii dhagta la idiin ku sheego, guryaha korkooda kaga qayliya.


Sidaasna sameeya idinkoo og in saacaddu dhowdahay. Hadda waa waqtigii hurdada laga kici lahaa, badbaadadeenuna haddey ka dhowdahay maalintii aan Rabbiga aaminnay.


Habeenku wuu dhamaan rabaa, mar dhowna maalintii ayaa bilaabaneysa. Waa inaan joojinaa dhaqanka sida dadka mugdiga ku jira, ee gashanaa hubka dhalaalaya ee nolosha saxda ah.


Ha ogolaanina inuu qof idin khiyaano, maalintaas ma dhici doonto illaa caasinimadu dhacdo iyo illaa kan sharta badan la muujiyo, kaasoo burburka keeni doona.


Dhamaadka aduunku waa soo dhowaaday. Sidaa darteed soo jeeda ducada ku dadaala.


Codkuna wuxuu yiri, “Wixii aad aragtid buug ku qor una dir toddobada kaniisadood kuwaasoo ah, Efesos, Simurna, Bergamos, Tu’ateyra, Sardis, Filadelfiya iyo La’odikiya.”


Waxaa barakeysan midka kaniisadda ka akhriya ereyadan lasii sheegay, waxaa kale oo barakeysan kuwa maqla oona adeeca, waayo waqtigu wuu dhowyahay.


Markey toddobadii onkod hadleen, waxaan ku rabay inaan wax qoro, laakiin waxaan maqlay cod ka yimid samada oo dhahaya, “Shaabadey waxey toddobada onkod dheheen, hana qorin.”


“Aniga oo ah Ciise, waxaan idiin soo diray malageyga si uu idiin siiyo marqaatifurkaan kaniisadda darteed. Waxaan ahay xididka iyo farcanka Daa’uud, waxaan ahay xiddigii waaberi ee dhalaalayay.”


Waxaan u digayaa mid walboo maqla ereyada sii sheegida ee buuggan, haddii uu qof ku daro wax intan qoran, Illaahey wuxuu qofkaas u keeni doonaa balaayada buuggan lagu sheegay.


Mid walboo waxyaalahan u marqaatifuraya ha dhaho, “Haa mar dhow ayaan imaanayaa.” Aamiin. Kaalay, Sayid Ciisow.


“Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.”


Laakiin wuxuu igu yiri, “Bal sidan ha sameynin! Waxaan ahay adeege sidaada oo kale iyo sida nebiyada iyo kuwo walboo xajiya ereyga ku qoran buuggan. Illaahey kaliya caabud!”


Kadibna waxaan gacanta midig ee kan ku fadhiya carshiga ku arkay buug labada dhinac wax uga qoran yihiin waxaana lagu shaabadeeyay toddobo shaabadood.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan