Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 22:1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

1 Kadib malagii wuxuu i tusay webi biyo nolol ah leh, kaasoo sida muraayad u cad, wuxuuna kasoo qulqulayay xagga carshiga Illaahey iyo xagga Wanka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

1 Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

1 Markaasay malaa'igtii i tustay webi ah biyaha nolosha, oo u dhalaalaya sidii madarad oo kale, oo ka soo baxaya carshigii Ilaah iyo Wanka,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 22:1
30 Iomraidhean Croise  

Haddii uu Illaahey ammaanta Wiilka dartiis ku helay, mar dhowna wuu ammaani doonaa Wiilka.


“Markii uu gargaaruhu yimaado, kan Ruuxa runta ah ee aan idin kaga soo diri doono dhinaca Aabahay, wuu ii marqaatifuri doonaa.


laakiin mid walboo caba biyaha aan isaga siiyo weligiis ma oomi doono. Biyaha aan siin doono waa sida il biyo durduraya illaa iyo nolosha weligeed ah.”


Waxaana loo qaaday kor oo la fariisiyay gacanta midig ee Illaah, wuxuuna ka helay Illaaha Aabaha ah ballankii Ruuxa Quduuska ahaa wuuna na siiyay oo waa waxa aad hadda arkeysaan oo aad maqlaysaan.


Tani waa muujin ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey siiyay inuu tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona. Wuxuu soo diray malag si uu muujintaan ugu keeno adeegihiisa Yooxanaa.


Waxey la ifeysay ammaanta Illaahey, oo nuurkeeduna wuxuu ahaa sida dhagax aad qaali u ah, sida yasbidka u cad.


Waxaa kale uuna yiri, “Wey dhamaatay. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, bilowga iyo dhamaadka. Kuwa haraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha ah.


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee hayay toddobada baaquli oo ey balaayada ka buuxday ayaa yimid oo igu yiri, “Kaalay, aan ku tusee aroosada, xaaskii Wanka.”


Ruuxa Quduuska ah iyo aroosadu waxey yiraahdeen, “Kaalay!” Ha noqoto in mid walboo arintan maqlo yiraahdo, “Kaalay!” Kan haraadsan ha yimaado, kan rabo inuu si xor ah uga cabo biyaha nolosha ha yimaado.


Malagii ayaa igu yiri, “Ereyadan waa kuwo lagu kalsoon yahay oo run ah, Illaahii ruuxyada nebiyada dhiirigeliyay ayaa malagiisi soo diray si uu u tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona.”


Midka guuleysta, waxaan siin doonaa xaqa uu igula fariisto carshigeyga, sida aan aniguba u ahay midka guuleystay oo aan ula fadhiyo Aabahay carshigiisa.


Kadibna waxaan maqlay xayawaano walboo ku jira jannada, dhulka, dhulka hoostiis iyo kuwa badda ku jiraba, iyagoo dhahaya, “Barakada iyo sharafta, ammaanta iyo awoodda waxaa leh kan ku fadhiya carshiga iyo Wanka weligiis.”


Kadibna waxaan arkay Wan, kaasoo u eg mid la soo gowracay oo carshiga bartankiisa taagnaa, waxaana isaga ku wareegsanaa afarta xayawaan iyo odayaasha. Wankuna wuxuu lahaa toddobo geesood iyo toddobo indhood, taas oo ah toddobada ruux ee Illaah oo loo diray aduunka oo dhan.


Waayo Wanka dhex taagan carshiga ayaa u ahaan doona arijir. Wuxuuna iyaga ku hogaamin doonaa isha biyaha nool ah. Illaaheyna indhahooda ayuu ka tiri doonaa ilinta.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan