Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 21:8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

8 Laakiin waxaan idiin sheegayaa waxa ku dhacaya, kuwa fulayaasha ah, kuwa aan rumeysaneyn, kuwa sameeya waxa xun, kuwa dadka dila, kuwa sinada sameeya, kuwa sixirka sameeya, kuwa sanamka caabuda, kuwa beenta sheega, waxaa lagu tuuri doonaa warta dabka iyo baaruudda ololeysa. Tani waa dhimashada labaad.”

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

8 Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

8 Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 21:8
39 Iomraidhean Croise  

Ha ka cabsanina kuwa jirka kaliya dila laakiin aan dili karin nafta. Laakiin ka cabsada kan nafta iyo jirkaba naarta ku tuuri kara.


Sidaa darteed waan kaa cabsaday waana tagay oo dhulka ayaan ku aasay dahabkaagi. Waana kan maalkii aad i siisay.’


Ciise ayaa ugu jawaabay, “Kuwiinan iimaanka yarow, maxaad sidan ugu cabsaneysaan?” Kadibna wuu kacay oo wuxuu canaantay duufaantii iyo hirarkii, weyna degeen.


Meeshaas dixriga iyaga cunaya ma dhamaado oo dabka iyaga gubayana ma damo.]


Idinku waxaad tihiin kuwa aabahood yahay ibliis, waxaadna sameysaan si la mid ah siduu isaga doono oo kaliya. Tan iyo bilowgii wuxuu ahaa gacan ku dhiigle iyo beenlow. Waayo isagu runta kuma jirto. Beentiisa ayuu ku hadlaa wax walboo uu ku hadlana waa been, waayo isagu waa beenlow waana aabaha beenta.


Ninkan wuu imaan doonaa isaga oo sameynaya shaqada Shaydaanka, wuxuu muujin doonaa awood isaga oo sameynaya calaamado, mucjisooyin iyo yaabab been ah.


Dadkan waa labawejiilayaal beenaalayaal ah, damiirkooduna wuu dhintay.


Waxey sheeganayaan iney Illaahey garanayaan, laakiin noloshooda kama muuqato. Iyaga waa la nacay, oo waa caasi mana istaahilaan iney wax wanaagsan sameeyaan.


Sidoo kale Ciise ayaa halkan jooga! Waa kan dhaxdhaxaadiyay Illaahey axdigiisa cusub, dhiigiisa tifqaya ayaa sheegaya wax ka wanaagsan dhiiggii Haabiil.


Guurka ixtiraama. Mar walba daacad u ahaw lamaanahaaga, waayo Illaahey wuu ciqaabayaa qof walboo sineysta ama aan daacad u ahayn guurkiisa.


Beenaaluhuna waa qof kastoo yiraahda runtii Ciise ma aha Masiixa. Qof kastoo diida Aabaha iyo Wiilka waa cadowga Masiixa.


Haddaad is necbaataan, waxaad tihiin gacan ku dhiiglayaal, oo waxaan garaneynaa in eysan gacan ku dhiiglayaashu lahayn nolosha weligeed ah.


Qof walboo rumeysta Wiilka Illaahey, wuxuu aqbalay marqaatifurkan. Laakiin haddii uusan qofna rumeysan arintan, waxey Illaahey ka dhigaan beenaale. Maxaa yeelay ma eysan aaminin marqaatifurka uu Illaahey ka bixiyay Wiilkiisa.


iyaguna waxey cabi doonaan khamrada carada Illaahey. Caradiisa oo dhan ayuuna ku ciqaabi doonaa, malaa’igta quduuska ah iyo Wanka hortooda ayaa lagu ciqaabi doonaa dab iyo baaruud.


Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso.


Waan garanayaa camalladiina, dadaalkiina iyo dulqaadkiina. Waana ogahay in eydan u dulqaadaneyn dadka sharta leh, waadna baarteen kuwa rasuullada iskugu yeera oo aan rasuullo ahayn, waxaadna ogaateen iney yihiin beenaalayaal.


Wax wasaq ah ma loo ogolaan doono iney galaan, xitaa kuwa sameeyay waxyaalaha karaahiyada ah ama khiyaanada, laakiin waxa kaliya ee galaya waa kuwa magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha ee Wanka.


Banaanka waxaa jooga eeyaha, kuwaas oo sameeya waxyaalaha sixirka ah, sinada, dilka, sanam caabudida iyo kuwa walboo jecel iney been ku noolaadaan.


Fardihii iyo kuwii waday ee aan riyada ku arkay sidan ayey u ekaayeen, laabdhowrkoodu wuxuu lahaa midab guduud, buluug iyo jaale ah. Fardihiina waxey lahaayeen madax sida libaaxa oo kale ah, afkooda waxaa ka baxayay holac, qiiq iyo baaruud.


Xitaa wax dilkooda, sixiryadooda, sinadooda iyo tuugnimadoodaba kama toobadkeenin.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan