Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 21:7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

7 Dhamaan kuwa guuleystay barakadaan ayey dhaxli doonaan, waxaanna noqon doonaa Illaahooda iyaguna waxey noqon doonaan caruurteyda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

7 Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

7 Oo kii guulaystaa wuxuu dhaxli doonaa waxyaalahan, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa Ilaah, isna wuxuu ii ahaan doonaa wiil.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 21:7
26 Iomraidhean Croise  

Qof walboo aniga dartey uga soo tagay guri ama walaalo wiilal ah ama walaalo gabdho ah ama aabe ama hooyo ama xaas ama caruur ama beero wuxuu heli doonaa boqol jibaar wixii uu kasoo tagay wuxuuna dhaxli doonaa nolosha weligeed ah.


“Sayidkiisi ayaa ugu jawaabay, ‘Si fiican ayaad sameysay, waxaadna tahay adeege fiican oo aamin ah! Waxaadna aamin ku noqotay wax yar, laakiin hadda waxaan kugu aamini doonaa wax badan. Kaalay la wadaag mudanahaaga farxadiisa!’


“Kadib boqorku wuxuu kuwa midigtiisa taagan ku dhihi doonaa, ‘Kaalaya, kuwii uu Aabahay barakeeyayow, dhaxalkiina ka qaata boqortooyadii la idiin diyaariyay aduunka abuuritaankiisi.


Kadib Ciise iyo xertiisi waxey bilaabeen safarkoodi oo isla markaas ayaa nin intuu Ciise ku soo orday ayuu isku duuduubay isaga oo hortiisa jilbaha dhigtay. Wuxuuna weydiiyay, “Macalin wanaagsanow, maxaan sameeyaa si aan u dhaxlo nolosha weligeed ah?”


Dhamaan kuwa Ruuxa Illaahey haggaa waa caruurta Illaahey.


Abuurka oo dhanna waxey sugi la’yihiin intuu Illaahey ka muujinayo caruurtiisa.


Midnimadee ka dhaxeysa macbadka Illaahey iyo sanamyada? Waayo waxaan nahay macbadka Illaahey, sida uu Illaahey yiri, “Waan la noolaan doonaa dhexdoodaan socon doonaa waxaanna noqon doonaa Illaahooda, iyaguna waxey noqon doonaan dadkeyga.”


Sidoo kale, “Waxaan noqon doonaa aabihiin, waxaadna ahaan doontaan caruurteyda, Sayidka xoogga saas ayuu leeyahay.”


Waa kan axdiga aan la gali doono dadka reer binu Israa’iil Illaahey wuxuu leeyahay, waqtigaas sharcigeyga waxaan galin doonaa maankooda waxaanna ku qori doonaa qalbiyadooda. Waxaan ahaan doonaa Illaahooda, waxeyna ahaan doonaan dadkeyga.


Shar shar haku gudina caayna caay haku gudina. Laakiin waxaas oo dhan waxaad ku gudaan barako. Waayo waxyaalahan inaad sameysaan ayuu Illaahey idiin ku yeeray, darteed ayuuna idin ku barakeyn doonaa.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siin doonaa qaar ka mid ah maannada qarsoon. Sidoo kale waxaan qofkaas siin doonaa dhagax cad kaasoo magac cusub ku qoran yahay, magacaas oo qof kale uusan garaneyn waxaan ka ahayn midka loo qoray.


waxaan ka ahayn inaad ku adkeystaan waxaad horey u haysateen illaa aan ka imaado.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siinayaa xaqa uu ku cuno geedka nolosha ee ku yaala jannada Illaahey.


Waxaan maqlay cod dheer oo ka imaanayay xagga carshiga oo dhahaya, “Fiiri! Hadda meeshuu Illaahey joogay waxaa la keenay dadkiisa dhexdooda. Wuuna ku dhex noolaan doonaa, iyaguna waxey noqon doonaan dadkiisa. Illaahey ayaa iyaga la jiri doona oo Illaahooda noqon doona.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan