Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 21:3 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

3 Waxaan maqlay cod dheer oo ka imaanayay xagga carshiga oo dhahaya, “Fiiri! Hadda meeshuu Illaahey joogay waxaa la keenay dadkiisa dhexdooda. Wuuna ku dhex noolaan doonaa, iyaguna waxey noqon doonaan dadkiisa. Illaahey ayaa iyaga la jiri doona oo Illaahooda noqon doona.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

3 Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

3 Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood;

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 21:3
29 Iomraidhean Croise  

Ereygii wuxuu noqday jir oo dhexdeena ayuu ku noolaaday. Ammaantiisa ayaan aragnay, ammaanta Wiilka kaliya ee ka yimid Aabaha isaga oo ey ka buuxdo nimco iyo run.


Markaas ayaa Ciise ugu jawaabay, “Mid walboo aniga i jecel wuxuu adeeci doonaa waxbarideyda. Aabaheyna wuu jeclaan doonaa isaga, waanna u imaan doonnaa oo waan la joogi doonnaa.


Midnimadee ka dhaxeysa macbadka Illaahey iyo sanamyada? Waayo waxaan nahay macbadka Illaahey, sida uu Illaahey yiri, “Waan la noolaan doonaa dhexdoodaan socon doonaa waxaanna noqon doonaa Illaahooda, iyaguna waxey noqon doonaan dadkeyga.”


Sidoo kale, “Waxaan noqon doonaa aabihiin, waxaadna ahaan doontaan caruurteyda, Sayidka xoogga saas ayuu leeyahay.”


Haddaba Illaaheena Aabaha ah iyo Sayidkeena Ciise ha noo furo wado aan idiin kugu imaanno.


Laakiin waxey rajeynayeen waddan ka wanaagsan oo jannada ah. Sidaa darteed Illaahey ceeb kuma dareemayo in loogu yeero Illaahooda waayo wuxuu iyaga u diyaariyay magaalo.


Waa kan axdiga aan la gali doono dadka reer binu Israa’iil Illaahey wuxuu leeyahay, waqtigaas sharcigeyga waxaan galin doonaa maankooda waxaanna ku qori doonaa qalbiyadooda. Waxaan ahaan doonaa Illaahooda, waxeyna ahaan doonaan dadkeyga.


Sidoo kale wuxuu wadaad sare ahaan uga adeegaa meesha ugu quduusan, gudaha teendhada runta ah ee ku taala samada. Teendhadan Sayidka ayaa dhisay ee binu aadan ma dhisin.


Markey toddobadii onkod hadleen, waxaan ku rabay inaan wax qoro, laakiin waxaan maqlay cod ka yimid samada oo dhahaya, “Shaabadey waxey toddobada onkod dheheen, hana qorin.”


Haddana codkii aan samada ka maqlay wuu ila hadlay isaga oo leh, “Tag oo ka qaad buugga uu malagii dhulka iyo badda taagnaa gacanta ku hayay isaga oo furan.”


Kadibna waxaan xagga samada ka maqlay cod weyn oo dhahaya, “Haddaba wey timaaday badbaadada iyo awoodda iyo boqortooyada Illaaheena, iyo amarkii Masiixiisa. Waayo kan eedeeya walaalaheen, kaasoo iyaga ku eedeynaya Illaahey hortiis maalin iyo habeen, dhulka ayaa lagu soo tuuray.


Dhamaan kuwa guuleystay barakadaan ayey dhaxli doonaan, waxaanna noqon doonaa Illaahooda iyaguna waxey noqon doonaan caruurteyda.


Wax habaaranna ma jiri doono. Waayo carshiga Illaahey iyo kan Wankaba magaaladaas ayey joogaan, adeegayaashiisa ayaa u adeegi doona.


Sidaa darteed, “Waxey joogaan carshiga Illaahey hortiisa oo habeen iyo maalin ayey macbadka uga adeegayaan, kan carshiga ku fadhiyana wuxuu hooy uga dhigi doonaa agjoogidiisa.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan