Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 20:8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

8 Wuu tagi doonaa oo aduunka afartiisa gees oo dhan ayuu khiyaani doonaa kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj. Wuu isku keeni doonaa si ey u dagaalamaan, iyagoona ah ciidan badan sida carada xeebta.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

8 oo wuxuu u soo bixi doonaa inuu khiyaaneeyo quruumaha deggan dhulka afartiisa gees, kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj inuu iyaga u soo ururiyo dagaalka; oo tiradooduna waa sida ciidda badda.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 20:8
17 Iomraidhean Croise  

Ninkeedi Ibraahim ahaana aad ayuu u da’ weynaa, laakiin dad badan ayuu awoowe u noqday. Xitaa waxey ka badan yihiin xiddigaha cirka iyo ciidda xeebta.


Masduulaagii weynaa oona ahaa maskii hore kaasoo la dhihi jiray ibliis ama Shaydaan, kaasoo aduunka oo dhan khiyaanayay dhulka ayaa lagu tuuray isaga iyo malaa’igtiisi oo dhan.


Waxey ahaayeen ruuxyo wasakh leh kuwaas oo sameynaya calaamado, waxeyna u tagaan boqortooyada aduunka oo dhan si ey iskugu keenaan, dagaalka ey Illaahey la leeyihiin dartiis maalinta weyn ee xukunka Illaaha weyn.


Ibliiskii iyaga khiyaanayna waxaa lagu tuuray warta baaruudda holceysa ah, isaga oo ku biiraya bahalka iyo nebiyada beenta ah. Habeen iyo maalin ayaana la silcin doonaa weligood.


Wuxuu ku tuuray bohoshii wuuna xiray oo ku dul shaabadeeyay si looga reebo inuusan khiyaanin quruumaha mar dambe illaa ey kun sano ka dhamaato. Kadibna waa in muddo yar la soo daayaa.


Kadibna waxaan arkay afar malaa’ig oo taagan afarta dhinac ee aduunka, iyagoo ka joojinaya dabeyshu in eysan ku dhicin dhulka, badda iyo geedaha.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan