Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 20:6 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

6 Waxaa barakeysan oo quduus ah kuwa Ciise la wadaagay sarakicidda koowaad. Waayo dhimashada labaad iyaga kama awood badineyso, laakiin waxey noqon doonaan wadaaddada Illaahey iyo kuwa Masiixa, weyna la xukumi doonaan kunka sanadood.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

6 Waxaa barakaysan oo quduus ah kii ka qayb gala sarakicidda kowaad; kuwaas dhimashada labaadi amar kuma laha, laakiinse waxay wadaaddo u ahaan doonaan Ilaah iyo Masiixa, oo waxay isaga wax la xukumi doonaan kun sannadood.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 20:6
19 Iomraidhean Croise  

Markii uu mid ka mid ah kuwii miiska wax kula cunayay Ciise uu maqlay arintaas, wuxuu Ciise ku yiri, “Waxaa barakeysan midka wax ka cuni doona xafladda boqortooyada Illaah.”


Sidaa daraadeed, walaalayaal waxaan idin ka baryayaa, idinka oo eegaaya naxariista Illaahey, jirkiina u bixiya qurbaan nool, quduus ah oo ka farxinaaya Illaahey, tani waa runta iyo cibaadadiina saxda ah.


Haddaba maadaama aan nahay carruurtiisi, waxaan nahay kuwa dhaxalka leh. Xaqiiqdii waxaan Masiixa la wadaagnaa dhaxalka ammaanta Illaahey. Laakiin haddii aan ammaanta dhaxalkeeda la wadaageyno waa inaan sidoo kale silacana la wadaagnaa.


Haddii aan u adkaysanno dhibaatada. Anaguna isaga ayaan la talin doonnaa. Isaga haddii aan diidno, wuu na diidi doonaa.


Idinkuna waxaad tihiin sida dhagaxa nool ee Illaahey ku dhisanayo macbadkiisa ruuxiga ah. Waxaa intaas sii dheer inaad tihiin wadaadadiisa quduuska ah. Idinka oo Ciise Masiix u maraya ayaad u bixineysaan allabariyo Illaahey ku faraxsanyahay.


Laakiin idinku waxaad tihiin dadka la doortay, wadaaddada daacada ah, jiilka quduuska ah, kuwa Illaahey leeyahay. Waxyaalahan dartood waa inaad wanaaga Illaahey kuwa kale tustaan.


oo nagana dhigay boqortooyada wadaaddada si aan ugu adeegno Illaahiisa iyo Aabihiis, isaguna ammaan iyo awood weligeed ah ha u ahaato! Aamiin.


Kadibna waxaan samada ka maqlay cod dhahaya, “Qor hadalkan, waxaa barakeysan kuwa dhintay iyagoo Rabbiga aaminsan hadda laga bilaabo.” Ruuxa wuxuu yiri, “Haa, waa run wey barakeysanyihiin, waayo wey ka nasan doonaan shaqadooda adag oo camalladooda wanaagsan ayaa iyaga raaci doona.”


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso.


Kadibna Illaahey wuxuu amray in dhimashada iyo qabriga lagu tuuro warta dabka ah. Warta dabka ah waa dhimashada labaad.


Laakiin waxaan idiin sheegayaa waxa ku dhacaya, kuwa fulayaasha ah, kuwa aan rumeysaneyn, kuwa sameeya waxa xun, kuwa dadka dila, kuwa sinada sameeya, kuwa sixirka sameeya, kuwa sanamka caabuda, kuwa beenta sheega, waxaa lagu tuuri doonaa warta dabka iyo baaruudda ololeysa. Tani waa dhimashada labaad.”


Habeenna ma jiri doono, iftiinka feynuusta ama qoraxdu ma jiri doonaan, waayo Illaaha Rabbiga ah ayaa siin doona iftiin. Weyna xukumi doonaan weligood.


“Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.”


Midka guuleysta, waxaan siin doonaa xaqa uu igula fariisto carshigeyga, sida aan aniguba u ahay midka guuleystay oo aan ula fadhiyo Aabahay carshigiisa.


Waxaadna ka dhigtay boqortooyo iyo wadaaddo si ey ugu adeegaan Illaaheena, weyna u talin doonaan aduunka.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan