Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 20:10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

10 Ibliiskii iyaga khiyaanayna waxaa lagu tuuray warta baaruudda holceysa ah, isaga oo ku biiraya bahalka iyo nebiyada beenta ah. Habeen iyo maalin ayaana la silcin doonaa weligood.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

10 Oo Ibliiskii iyaga khiyaanayn jirayna waxaa lagu dhex tuuray baddii dabka iyo baaruudda ahayd, halkaas oo ay ku jiraan bahalkii iyo nebigii beenta ahaa, oo iyaga waxaa la cadaabi doonaa habeen iyo maalinba weligood iyo weligoodba.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 20:10
12 Iomraidhean Croise  

“Kadib kuwa bidixdiisa taagan ayuu ku dhihi doonaa, ‘Iga taga, waad inkaaran tihiine! Gala naarta weligeed ah ee loo diyaariyay ibliiska iyo malaa’igtiisa.


“Kadibna waxaa lagu tuuri doonaa cadaabta weligeed ah, laakiin kuwa xaqa ah waxaa la galin doonaa nolosha weligeed ah.”


“Iska jira nebiyada beenta ah! Waxey idiin imaanayaan iyagoo qaba dharka idaha, laakiin gudaha waxey ka yihiin yeey wax weerareysa.


Meeshaas dixriga iyaga cunaya ma dhamaado oo dabka iyaga gubayana ma damo.]


Waxaanna arkay saddex ruux oo wasakh leh oo u eg rah, waxeyna kasoo baxeen afka masduulaagii, bahalka iyo afka nebiyada beenta ah.


Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah.


Wuu tagi doonaa oo aduunka afartiisa gees oo dhan ayuu khiyaani doonaa kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj. Wuu isku keeni doonaa si ey u dagaalamaan, iyagoona ah ciidan badan sida carada xeebta.


Fardihii iyo kuwii waday ee aan riyada ku arkay sidan ayey u ekaayeen, laabdhowrkoodu wuxuu lahaa midab guduud, buluug iyo jaale ah. Fardihiina waxey lahaayeen madax sida libaaxa oo kale ah, afkooda waxaa ka baxayay holac, qiiq iyo baaruud.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan