Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 2:9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

9 Waan ogahay dhibaatada iyo duruufta aad ku jirtaan, laakiin xagga ruuxa waxaad ka tihiin taajiriin. Waan ogahay caayda ey idin caayaan dadka Yuhuudda iska dhiga oo aan ahayn, laakiin sunagogyadoodu waa kan Shaydaanka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

9 Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shaydaanka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

9 Waan ogahay dhibaatadaada iyo faqiirnimadaada (laakiin taajir baad tahay), iyo cayda ay kugu caayaan kuwa Yuhuudda isku sheegaa oo aan ahayn, laakiinse ah kuwa sunagogga Shayddaanka.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 2:9
29 Iomraidhean Croise  

Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Iga fogow, Shaydaan yahow! Waayo wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”


“Arintaas ayaa ku dhici doonta mid walboo wax kaligiis meel dhigta, oo Illaaheyna hortiisa miskiin ka ah.”


Qaabab badan ayeyna ugu jeesjeeseen oo u caayeen Ciise.


“Ruuxii Rabbiga ayaa i dul jooga, waayo wuxuu ii doortay inaan warka wanaagsan gaarsiiyo masaakiinta. Wuxuu ii soo diray inaan gaarsiiyo xornimada kuwa xiran iyo kuwa indhaha la’ aragoodi in loo soo celiyo oo kuwa la dulmiyeyna la furto,


Markaas ayaa Ciise intuu xertiisi fiiriyay ayuu ku yiri, “Waxaa barakeysan kuwiinan saboolka ah, waayo boqortooyada Illaahey idinka ayaa leh.


“Waxaan waxyaalahan idin kugu sheegay waa inaad nabad igu dhex lahaataan. Dunidan dhib ayaad la kulmi doontaan, laakiin dhiiranaada! Waayo aduunka waan ka adkaaday.”


iyagoo xoogeynaya xertii kuna dhiirigelinaya iney iimaanka ku adkeystaan. Waxey ku yiraahdeen, “Waa inaan caqabado badan marnaa si aan u galno boqortooyada Illaahey.”


Marar badan ayaan intaan sunagogyada ku wareegsado ayaan ciqaabi jiray, oo waxaan ku qasbi jiray iney Ciise wax xun ka sheegaan. Aad ayaan ugu xanaaqi jiray iyaga, oo illaa magaalooyin kale intaan u raaco ayaan silcin jiray.


Rajadiinu farxad ha idin siiso. Dulqaata waqtiga dhibaatada ducadana ha joojinina.


Idinkan iskugu yeera Yuhuudda, waxaad isku haleysaan sharciga waxaadna ku faantaan Illaahey.


Sidoo kale waan faraxnaa markaan dhibaatooyin iyo silac la kulanno, waayo waan ognahay in silacu nagu caawiyo inaan dulqaad lahaanno.


Ma wax naga fogeyn karaa jira jaceylka Masiixa? Ma waxaa naga fogeyn kara dhibta, silaca, waqtiyada adag, ama gaajada iyo dhar la’aanta?


Ma dhihi karno Illaahey ballantiisi ayuu jabiyay. Waayo farcanka Israa’iil oo dhan ma wada aha dadkii Illaahey.


Farxad ayaan leenahay xitaa waqtiga aan silaca ku jirno. Inkastoo aan masaakiin nahay kuwa badan ayaan taajir ka dhignay, waxna ma haysano laakiin wax walba anaga ayaa leh.


Inkastoo ey dhibaato badan ku jireen oo ey sidoo kale masaakiin yihiin, aad ayey ugu farxaan iney si deeqsinimo ah wax u bixiyaan.


Waayo waad garaneysaan nimcada Sayidkeena Ciise masiix, inkastoo uu taajir ahaa dartiina ayuu miskiin iskaga dhigay, si aad fakhiirnimadiisa ugu noqotaan taajir.


Xitaa markaan idin la joognay waxaan idiin sheegi jirnay in na la silcin doono. Sidaas ayeyna ahaatay, sida aad u ogtihiin.


Inkastoo aan aniguba ahaa nin wax caaya oo wax silciya oo dagaal badan haddana waa la ii naxariistay waayo aqoon la’aan iyo iimaan yari ayaa i heysay.


Ku amar iney wax walboo wanaagsan sameeyaan, iney deeqsi ahaadaan oo ey waxey heystaan wadaagaan.


Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya.


Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.


Waan garanayaa camalladiina, dadaalkiina iyo dulqaadkiina. Waana ogahay in eydan u dulqaadaneyn dadka sharta leh, waadna baarteen kuwa rasuullada iskugu yeera oo aan rasuullo ahayn, waxaadna ogaateen iney yihiin beenaalayaal.


Haddaba waxaan idin ku leeyahay idinkan jooga Tu’ateyra, idinka oo aan raacin baritaanka beenta ah, oo aan baranin sirta Shaydaanka taas oo ey ugu yeeraan sirta weyn, culeys kale ma idin saarayo,


Kuwa ka tirsan sunagogga Shaydaanka, oo iskugu yeera Yuhuudi inkastoo eysan ahayn, cagahiina ayaan dhigi doonaa oo waxey dhihi doonaan idinka inaad tihiiin kuwii aan jeclaaday.


Aniguna waxaan ugu jawaabay, “Mudane waad garaneysaa.” Wuxuu igu yiri, “Kuwaas waa kuwii silaca weyn soo maray. Waxey dharkooda ku dhaqeen dhiigga Wanka kaasoo iyaga ka dhigay caddaan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan