Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 2:5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

5 Bal xasuusta sidaad wax u jeclaan jirteen. Toobadkeena oo sameeya wixii aad horey u sameyn jirteen. Haddii aad toobadkeeni weysaan, waan idiin imaanayaa oo laambadiina ayaan halkii ey taalay ka qaadi doonaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

5 Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobad keen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobad keenin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

5 Haddaba xusuuso meeshii aad ka dhacday, oo toobadkeen, oo shuqulladaadii hore samee; haddii kalese anigu waan kuu iman doonaa oo laambaddaada waan ka qaadi doonaa meesheeda haddii aadan toobadkeenin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 2:5
34 Iomraidhean Croise  

“Waxaad tihiin iftiinkii aduunka. Magaalo buur ka dul dhisan ma qarsoomi karto.


Feynuusna looma shido in weel lagu daboolo, laakiin waxaa la saaraa laambad saarka, si ey iftiin u siiso qof walboo guriga ku jira.


“Maxey kula tahay inuu ninka beerta leh iyaga ku sameyn doono? Wuu u imaan doonaa oo dili doonaa kiroolayaasha beerta canabka ahna wuxuu siin doonaa kuwa kale.


Wuxuuna kasoo hor mari doonaa Rabbiga isaga oo leh ruuxii iyo xooggii Eliyaas. Si uu quluubta waalidka ugu soo jeediyo caruurtooda, kuwii caasiyeyna wuxuu ku celin doonaa xigmadda xaqa ah, si uu dadka Rabbiga ugu diyaariyo.”


Wuu u imaan doonaa oo dili doonaa kiroolayaasha, beerta canabka ahna wuxuu siin doonaa kuwa kale.” Markey dadkii sheekadan maqleen, waxey yiraahdeen, “Illaahey naguma keeno!”


Waayo haddii aad isku daydo in aad xaq ku noqoto adigoo adeecaya sharciga, ajnabi ayaad ka tahay Masiixa oo waadna ka fogaatay nimcadiisa.


Si aad u noqotaan kuwa eed la’aan ah oona saafi ah, “Sida caruurta Illaahey waa inaad si wanaagsan ugu dhex noolaataan dadka sharta leh.” Kadibna dhexdooda waxaad uga ifi doontaan sida xiddigaha cirka ku jiro.


Ka fikira waxyaalihii dhibka badnaa ee aad marteen markaad Masiixa aaminteen. Xasuusta sidii aad u adkeysateen inkastoo aad silac daran marteen.


Sidaa darteed walaalayaalow, intaan waqtigaas la gaarin ka hor ayaan idin waaninayaa, is ilaaliya, ha ogolaanina iney dadkaas sharta leh idin khiyaanaan iyagoo idiin sheegaya waxyaalaha aan saxda ahayn, taas oo idin ku sababeysa inaad ka labalabeysaan waxa aad hadda aaminsan tihiin.


Illaaha badbaadiyaheena ah ugu mahadceliya Rabbigeena Ciise Masiix dartiis. Illaah kaliya ayaa idin ka ilaalin kara in eydan kufin, oo wuxuu idin ka dhigi karaa kuwo daahir ah oo ku faraxsan hor joogiisa ammaanta leh.


Macnaha toddobada xiddigood ee aad aragtay aniga oo gacanteyda midig ku haya iyo toddobada laambadood ee dahabka ah. Toddobada xiddigood waa malaa’igta toddobada kaniisadood, toddobada laambadoodna waa toddobada kaniisadood.”


Qof walbana kuleyl daran ayaa gubay, waxeyna inkaareen magaca Illaahey, kaasoo xukuma balaayadan oo dhan, laakiin wey diideen iney toobadkeenaan oo ey Illaahey ammaanaan.


Sidaa darteed toobadkeena! Haddii kale mar dhow ayaan idiin imaan doonaa oo aan la dagaali doona iyaga aniga oo isticmaalaya seefta afkeyga.


Waan ogahay camalkiina, jaceylkiina iyo iimaankiina, adeegiina iyo dulqaadkiina, inaad hadda sameyneysaan wax ka badan wixii aad horey u sameyn jirteen.


Waan garanayaa camalladiina, dadaalkiina iyo dulqaadkiina. Waana ogahay in eydan u dulqaadaneyn dadka sharta leh, waadna baarteen kuwa rasuullada iskugu yeera oo aan rasuullo ahayn, waxaadna ogaateen iney yihiin beenaalayaal.


Kuwa aan jeclahay waan canaantaa oo waan edbiyaa. Sidaa darteed wax wanaagsan sameeya oo toobadkeena.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan