Muujintii 2:26 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub26 Midka guuleysta oona doonisteyda sameeya illaa dhamaadka, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo aduunka. Faic an caibideilKITAABKA QUDUUSKA AH26 Kii guulaysta oo shuqulladayda sii xajiya tan iyo ugu dambaysta, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo quruumaha. Faic an caibideilKitaabka Quduuska Ah26 Kii guulaysta oo shuqulladayda sii xajiya tan iyo ugu dambaysta, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo quruumaha. Faic an caibideil |
Ciise ayaa ku jawaabay, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, marka wax walba la cusbooneysiinayo, oo uu Wiilka Aadanahu carshigiisa ammaanta leh ku fadhiyo, kuwiinan isoo raacay waxaad sidoo kale ku fariisan doontaan laba iyo toban carshi, idinka oo xukumaya laba iyo tobanka qabiil ee reer binu Israa’iil.
Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen.
Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa.