Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 2:25 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

25 waxaan ka ahayn inaad ku adkeystaan waxaad horey u haysateen illaa aan ka imaado.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

25 Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

25 Habase yeeshee waxa aad haysataan xajiya ilaa aan imaado.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 2:25
16 Iomraidhean Croise  

Haddii aan tago oo aan meel idiin sii diyaariyo, waan soo laaban doonaa oo idinkana xaggeyga ayaan idiin qaadi doonaa. Si meesha aan joogo idinkuna aad iila joogtaan.


Mid iyaga ka mid ah oo la yiraahdo Agabos ayaa isaga oo Ruuxa Quduuska ah kaashanaya sii sheegay iney abaar daran ka dhici doonto aduunka oo dhan. Waxeyna dhacday waqtigii Kalawdiyos.


Ha iska dhigina inaad dadka jeceshihiin ee si dhaba u jeclaada. Waxa qaldan naca, waxa wanaagsanna jeclaada.


Waayo haddaad kibistaas cuntaan oo aad koobkaasna ka cabtaan waxaad tuseysaan dhimashada Rabbiga illaa uu kasoo laabto.


Sidaa darteed qofna ha xukumina illaa uu Sayidka kasoo laabto. Wixii qarsoon cadeyn ayuu ku soo saari doonaa, ujeedooyinka qalbiyadiinana wuu soo bandhigi doonaa. Waqtigaasna mid walba wuxuu ammaantiisa ka heli doonaa Illaahey.


Laakiin iyagoo dhan tijaabi, qaado waxa wanaagsan.


Aan si adag ugu dhagno rajada aan aaminsannahay, waayo Illaahey waa mid oofiya ballankiisa.


Laakiin Masiixu waa Wiilka xukuma dadka Illaahey oo dhan. Inaguna waxaan nahay dadkaas haddii aan sii adkeysano oo aanan rajo beelin.


Waxaan leenahay wadaad sare oo weyn, kaasoo samada aaday, waana Ciise Wiilka Illaahey. Waana sababta ey tahay inaan ku adkeysano waxaan aaminsannahay.


Laakiin maalinta uu Rabbiga dadka oo dhan xukumi doono waxey u imaan doontaa si qarsoodi ah. Samooyinka guux ayey ku burburi doonaan, waxyaalaha kalana waxey ku baabi’i doonaan dab, aduunka iyo waxa ku jira oo dhan waa la gubi doonaa.


“Bal arag wuxuu ku imaanayaa daruuraha,” “sidoo kalana il walba wey arki doontaa isaga, xitaa kuwii isaga waranka ku duray,” oo dadka aduunka oo dhan, “dartiis ayey u murugoon doonaan.” Sidaasna ha ahaato! Aamiin.


Mid walboo waxyaalahan u marqaatifuraya ha dhaho, “Haa mar dhow ayaan imaanayaa.” Aamiin. Kaalay, Sayid Ciisow.


“Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.”


Mar dhow ayaan imaan doonaa. Ku adkeysta waxaad horey u haysateen, si uusan qofna taajkiina idin kaga qaadin.


Sidaa darteed xasuusta, waxaad hesheen oo aad maqasheen, adkeeya oo toobadkeena. Laakiin haddii eydan baraarugin, sida tuug ayaan u imaan doonaa, mana ogaan doontaan waqtiga aan idiin imaanayo.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan