Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 2:24 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

24 Haddaba waxaan idin ku leeyahay idinkan jooga Tu’ateyra, idinka oo aan raacin baritaanka beenta ah, oo aan baranin sirta Shaydaanka taas oo ey ugu yeeraan sirta weyn, culeys kale ma idin saarayo,

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

24 Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shaydaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

24 Laakiinse intiinna kale oo Tu'ateyra joogta, in alla intiinna aan waxbariddan haysan, oo sida ay iyagu yidhaahdaan, aan aqoon waxyaalaha moolka dheer oo Shayddaanka, idinka waxaan idinku leeyahay, Dushiinna culaab kale saari maayo.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 2:24
15 Iomraidhean Croise  

Ruuxa Quduuska ah wuxuu na tusay in aanan idinku dhibin waxyaalo eydan sameyn karin oo aan waajib ahayn.


Mid ka mid ah kuwa dhageysanayay waxey ahayd haweeney magaceedu yahay Ludiya, waxey ka timid magaalada Tu’ateyra, oo waxeyna iibin jirtay dhar qaali ah oo midab guduudan. Illaahey ayey caabudi jirtay, isla markiiba Illaahey qalbigeeda ayuu furay si ey u maqasho Bawlos fariintiisa.


Waxyaalahan ayaa Illaahey Ruuxdiisa noogu muujiyay. Ruuxdu waxey doondoontaa wax walba, xitaa waxyaalaha qarsoon ee Illaah.


Laakiin waxaan ka cabsanayaa in la idiin khiyaano, sidii Xaawo masku u khiyaanay. Waxaan ka cabsanayaa in eydan Masiixa si daacad ah uga fikirin.


si uusan Shaydaanku fursad nooga dhex helin. Waayo waan ognahay qorshihiisa.


Xigmaddan oo kale kama soo degto samada laakiin waxey ka timaadaa aduunka, ruuxiyan ma aha waana shaydaanimo.


Codkuna wuxuu yiri, “Wixii aad aragtid buug ku qor una dir toddobada kaniisadood kuwaasoo ah, Efesos, Simurna, Bergamos, Tu’ateyra, Sardis, Filadelfiya iyo La’odikiya.”


Masduulaagii weynaa oona ahaa maskii hore kaasoo la dhihi jiray ibliis ama Shaydaan, kaasoo aduunka oo dhan khiyaanayay dhulka ayaa lagu tuuray isaga iyo malaa’igtiisi oo dhan.


Mucjisadii loo ogolaaday inuu sameeyo beddelkii bahalka hore, wuxuu khiyaanay dadkoo dhan kuwaas oo ah kuwa aduunka. Wuxuuna dadka ku amray iney taalo weyn u dhisaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay oona nolol kusoo laabtay.


Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.


“Fariin u qor malaga kaniisadda Tu’ateyra. Kuwani waa ereyada Wiilka Illaahey, kaasoo indhihiisu u holcayaan sida dabka oo cagihiisuna u dhalaalayaan sida maarta.


Waan ogahay dhibaatada iyo duruufta aad ku jirtaan, laakiin xagga ruuxa waxaad ka tihiin taajiriin. Waan ogahay caayda ey idin caayaan dadka Yuhuudda iska dhiga oo aan ahayn, laakiin sunagogyadoodu waa kan Shaydaanka.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan