Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 2:23 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

23 Waxaan dili doonaa caruurteeda. Kadibna kaniisadaha oo dhan wey ogaan doonaan inaan ogahay waxa ku jira qalbiyada iyo maanka, oo qof walbana waxaan ugu abaalgudi doonaa camalkiisa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

23 Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

23 Oo waxaan carruurteeda ku dili doonaa dhimasho, kiniisadaha oo dhammuna waxay ogaan doonaan inaan ahay kan baadhbaadha kelyaha iyo qalbiyada, oo anna midkiin walbaba waxaan wax u siin doonaa sida shuqulladiinnu yihiin.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 2:23
39 Iomraidhean Croise  

Waayo Wiilka Aadanahu wuxuu ku imaan doonaa ammaanta Aabihiis isaga oo ey malaa’igtiisu la socdaan, kadibna qof walba wuxuu ku abaalmarin doonaa wuxuu sameeyay.


Wuxuuna iyagii ku yiri, “Idinku waxaa tihiin kuwa dadka kale u muujiya iney saxanyihiin, laakiin Illaahey wuxuu og yahay qalbiyadiina. Waxey dadku aad u qiimeeyaan waa wax Illaahey agtiisa laga neceb yahay.”


Markii saddexaad Ciise wuxuu Butros ku yiri, “Simoon ina Yooxanaa, ma i jeceshahay?” Butros wuu niyad jabay waayo markii saddexaad ayuu weydiiyay, “Miyaad i jeceshahay?” Markaas ayuu ku yiri, “Rabbiyow, wax walba waad ogtahay, waana ogtahay inaan ku jeclahay.” Ciise ayaa yiri, “Idahayga daaji.


Ciise ayaa ku yiri, “Tag oo ninkaagi u soo yeer kadibna soo laabo.”


Kadibna wey duceysteen oo waxey yiraahdeen, “Rabbiyow, adiga ayaa garanaya qof walba qalbigiisa. Na tus labadan nin midka aad dooratay


Haddaba mid walboo naga mid ah waxaa lagu xisaabin doonaa Illaahey hortiisa.


Illaahey wuu garanayaa fikiradeena oo dhan. Wuuna garanayaa waxa caqliga Ruuxa ku jira, markii uu Ruuxu u duceynayo dadka Illaahey.


Waayo dhamaanteen waxaan hor tageynaa kursiga xukunka ee Masiixa, sidaas darteed mid kastoo naga mid ah waa inuu helaa waajibkiisa, waxyaalihii u saameeyay intuu jirka ku jiray, haddii ey tahay wanaag ama xumaan.


Waayo qof walba waa inuu culeyskiisa qaataa.


Illaahey waxba kama qarsoona! Wax walbana wuu arkaa, waana inaan runta u sheegnaa.


Xasuusta Aabaheena aad ku duceysataan qofna uma eexdo. Wuxuu idin ku xukumi doonaa ama idin ku abaalgudi doonaa waxaad sameyseen. Sidaa darteed waa inaad ku noolaataan cabsida Illaahey idinkoo dhulka dadeed shisheeya ahaan ugu nool.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso.


Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siinayaa xaqa uu ku cuno geedka nolosha ee ku yaala jannada Illaahey.


Waxaan arkay kuwo dhintay, yar iyo weynba iyagoo hor taagan carshiga Illaahey. Buugaagtana waa la furay xitaa buugga nolosha. Kuwii dhintayna waxaa lagu xukumay wixii ey sameeyeen, sida buugga ku qoran.


Kuwii badda ku dhintay wey kasoo baxeen, kuwii kale ee ku jiray meelaha dhimashada iyo xabaalahana wey kasoo baxeen, qof walbana waxaa lagu xukumay wixii uu sameeyay.


“Fiiri, mar dhow ayaan imaanayaa! Waxaan keenayaa abaalmarinteyda, qof walbana wuxuu sameeyay ayaa lagu abaalmarin doonaa.


Waan fiiriyay, horteydana waxaa taagnaa faras leh midab dambas ah! Midka wadana waxaa loo bixiyay Dhimasho, gadaashiisana aduun xabaalo ayaa ka jiray. Waxaa la siiyay awood ey afar meelood oo aduunka ka mid ah ey seef ku dilaan, abaar, dhimasho iyo xayawaan duureed.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan