Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 2:14 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

14 Haba ahaatee dhowr waxyaalo ayaan idin ku haystaa. Qaar idin ka mid ah ayaa haysta wax baritaanka Balcaam, kaasoo baray Baalaaq inuu ku khiyaano dadka Israa’iil iney dembaabaan si ey u cunaan cuntada loo bixiyay sanamyada oo eyna sineystaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

14 Laakiinse dhawr waxyaalood baan kuu haystaa, maxaa yeelay, halkaas waxaad ku haysataa kuwo xajiya waxbariddii Balcaam, kaas oo baray Baalaaq inuu reer binu Israa'iil hortooda ku tuuro dhagax lagu turunturoodo, inay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey iyo inay sinaystaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

14 Laakiinse dhawr waxyaalood baan kuu haystaa, maxaa yeelay, halkaas waxaad ku haysataa kuwo xajiya waxbariddii Balcaam, kaas oo baray Baalaaq inuu reer binu Israa'iil hortooda ku tuuro dhagax lagu turunturoodo, inay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey iyo inay sinaystaan.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 2:14
30 Iomraidhean Croise  

Hoog ayaa u sugnaaday aduunka, waxyaalaha keena dadku iney turunturoodaan! Waxyaalahaas wey imaan doonaan, laakiin waa u hoog qofka ey xaggiisa ka yimaadaan.


Laakiin waa in eydan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada. Waxan oo dhan haddaad raacdaan si fiican ayaad sameyn doontaan. Nabadgelyo.


Laakiin dadkii aan Yuhuudda ahayn oo aaminsan, waxaan u qornay warqad oo waxaan ku dhahnay go’aankeenu waxaa waaye in eysan cunin cunto loo bixiyay sanamyada, dhiigga, ama xayawaanada la ceejiyay hilibkooda iyo sinada.”


Daa’uudna wuxuu yiri, “Miisaskoodu ha noqdaan dabin iyo wax dabra, hana turunturoodaan oo ha la ciqaabo.


Sidaa darteed waa inaan joojinaa inaan xukuno kuwa kale. Beddelkeedi go’aansada in aadan u noqonin dhagax ey turunturoodaan, ama caqabad walaalaha.


Waxaa wanaagsan in eydan hilib cunin khamrina cabin wax kalana eydan sameyn haddey walaalihiin dhibaato u keeneyso.


Maxey ugu guuleysan waayeen? Sababtu waxey tahay iney isku dayeen iney camalladooda xaq ku noqdaan oo eysan isku dayin iimaan. Waxeyna ku dul kufeen dhagax weyn.


laakiin waxaan wacdinaa Masiixa oo la qodbay. Taas oo ey Yuhuuddu ey u qaataa wax lagu turunturoodo dadka aan Yuhuudda ahaynna doqonnimo u arkaan.


Laakiin si aan loo sineysan qof walba hadduu naagtiisa ama ninkeeda heysto waxey kaa fogeyneysaa dembiga sinada.


Guurka ixtiraama. Mar walba daacad u ahaw lamaanahaaga, waayo Illaahey wuu ciqaabayaa qof walboo sineysta ama aan daacad u ahayn guurkiisa.


Sidoo kalana, “Waa dhagax sababa iney dadku ku turunturoodaan, waa dhagax weyn oo iyaga oo dhan ku sababa iney kufaan.” Wey turunturoonayaan waayo waxey diideen fariinta, taas oo ah mid iyaga loogu talagalay.


Waxey ka tageen jidkii wanaagsanaa oo waxey ku daydeen Balcaam inankii Becoor kaasoo jeclaa inuu waxyaalo xun lacag ku helo.


Dhab ahaantii waxey ku jiraan dhibaato. Waxey raaceen wadadii Qaabiil oo waxey sameeyeen isla qaladkii Balcaam kaasoo daneeyay lacag kaliya. Oo weliba Illaahey ayey ku caasiyoobeen, sidii Korah yeelay oo kale. Arintaas darteed, waa la baabi’in doonaa.


Si kastaba ha ahaatee wax ayaan idin ku haystaa. Waxaad u dulqaadateen naagtaas Yesebeel, taas oo iskugu yeerta nebiyad. Wax barideeda ayey adeegayaasheyda ku lumisay iney sineystaan oo eyna cunaan cuntada loo bixiyay sanamyada.


Laakiin halkan wax ayaan idin ku haystaa, waxaad iska dayseen inaad i jeclaataan oo iskuma jeclidiin sidii markii hore aad ahaydeen.


Laakiin waxaan idiin sheegayaa waxa ku dhacaya, kuwa fulayaasha ah, kuwa aan rumeysaneyn, kuwa sameeya waxa xun, kuwa dadka dila, kuwa sinada sameeya, kuwa sixirka sameeya, kuwa sanamka caabuda, kuwa beenta sheega, waxaa lagu tuuri doonaa warta dabka iyo baaruudda ololeysa. Tani waa dhimashada labaad.”


Banaanka waxaa jooga eeyaha, kuwaas oo sameeya waxyaalaha sixirka ah, sinada, dilka, sanam caabudida iyo kuwa walboo jecel iney been ku noolaadaan.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan