Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 2:13 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

13 Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

13 Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shaydaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shaydaanku deggan yahay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

13 Waan ogahay meeshaad deggan tahay inay tahay meesha carshiga Shayddaanku yaal; oo magacayga waad xajisaa, mana aad inkirin iimaankayga xataa waagii Antibas joogay, isagoo ahaa markhaatigaygii iyo kaygii aaminka ahaa oo dhexdiinna lagu dilay meesha Shayddaanku deggan yahay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 2:13
27 Iomraidhean Croise  

Markii meel la idin ku silciyo meel kale u carara. Runtii waxaan idin ku leeyahay, inta eydan magaalooyinka Israa’iil wada tagin ayuu Wiilka Aadanahu imaan doonaa.


“Kadib waxaa la idiin gacangelin doonaa si la idiin silciyo oo la idiin dilo, dadka oo dhanna waxey idiin nici doonaan aniga daraadey.


Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Iga fogow, Shaydaan yahow! Waayo wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”


Aniga daraadey ayuuna qof walba idiin nici doonaa.


Oo goortii dhiigga shahiidkaaga Istefanos la daadshay, halkaas ayaan joogay oo waan agtaagnaa, aniga oo ku raacsan oo weliba dharkii kuwii isaga dilay ilaalinaya.’


Wuxuuna halkan la yimid awood fasax uu ka haysto gudoomiyayaasha wadaaddada si uu u xiro dhamaan inta magacaaga ku dhawaaqda.”


Laakiin iyagoo dhan tijaabi, qaado waxa wanaagsan.


Qofkii aan daryeelin qaraabadiisa gaar ahaan reerkiisa wuxuu ka tagay iimaankiisi. Qofkaas wuxuu la mid yahay qof aan Rabbiga rumeysneyn.


Haddaba ku dayo waxbaridda saxda ah ee aan ku siiyay, oo rumeysadka iyo jaceylka Ciise Masiix ha kula jiraan.


Haddii aan u adkaysanno dhibaatada. Anaguna isaga ayaan la talin doonnaa. Isaga haddii aan diidno, wuu na diidi doonaa.


Aan si adag ugu dhagno rajada aan aaminsannahay, waayo Illaahey waa mid oofiya ballankiisa.


Laakiin Masiixu waa Wiilka xukuma dadka Illaahey oo dhan. Inaguna waxaan nahay dadkaas haddii aan sii adkeysano oo aanan rajo beelin.


Miyeysan ahayn kuwa caayaya Ciise Masiix, oo aad magaciisa sharafta leh haysataan?


Taas oo ka socota Ciise Masiix oo ah marqaatiga aaminka ah, kan ah midka ugu horeeya ee dhimashada kasoo sarakacay, iyo taliyaha boqorrada aduunka. Kaasoo na jeclaaday oo dhiigiisi nagaga xoreeyay dembiyadeena,


Waxaanna dooran doonaa labadeyda marqaati kuwaas oo wax sii sheegi doona 1,260 maalmood iyagoo gashan jawaan.”


Waxey uga guuleysteen dhiigga Wanka iyo marqaatifurkooda, iyagu aad uma jeclaanin noloshooda oo waxey diyaar u ahaayeen dhimasho.


Bahalkan arkayna wuxuu u ekaa haramcad, laakiin cagihiisu waxey u ekaayeen bahal, afkiisuna wuxuu u ekaa sida af libaax. Masduulaagii wuxuu bahalkii siiyay awoodiisi, carshigiisi iyo amarkiisi weynaa.


Tani macnaheedu waa in dadka Illaahey u dulqaataan silaca iyagoo ku samraya, oona ilaalinaya amarradiisa, iimaanka ey Ciise ku lahaayeenna sii heystaan.


Iyaguna waxey la dagaalami doonaan Wanka, laakiin Wanku wuu ka guuleysan doonaa waayo isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada. Waxaa la jiri doona kuwiisa aaminka ah ee uu doortay una yeeray.”


Waxaanna arkay naagtu iney ahayd qof ku sarqaamay dhiigga dadka Illaahey, dhiigga dadka u marqaatifura Ciise. Markaan iyada arkayna aad ayaan ula yaabay.


Waan garanayaa camalladiina, dadaalkiina iyo dulqaadkiina. Waana ogahay in eydan u dulqaadaneyn dadka sharta leh, waadna baarteen kuwa rasuullada iskugu yeera oo aan rasuullo ahayn, waxaadna ogaateen iney yihiin beenaalayaal.


Mar dhow ayaan imaan doonaa. Ku adkeysta waxaad horey u haysateen, si uusan qofna taajkiina idin kaga qaadin.


Sidaa darteed xasuusta, waxaad hesheen oo aad maqasheen, adkeeya oo toobadkeena. Laakiin haddii eydan baraarugin, sida tuug ayaan u imaan doonaa, mana ogaan doontaan waqtiga aan idiin imaanayo.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan