Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 19:7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

7 Bal aan raynrayno oo faraxno, aan siino ammaan! Waayo arooski Wanka waa la gaaray, aroosadina wey is diyaarisay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

7 Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 19:7
29 Iomraidhean Croise  

Isaga oo arintaas ku fikiraya ayaa malag xagga Rabbiga ka yimid riyo ugu muuqday oo ku yiri, “Yuusuf ina Daa’uudow, ha ka cabsan inaad Maryan gurigaaga geysato, waayo uurka ey leedahay wuxuu ka yimid Ruuxa Quduuska ah.


“Boqortooyada jannada waa sida boqor wiilkiisa u sameeyay xaflad aroos.


sida adeegayaasha sugaya sayidkoodu inuu kasoo laabto xafladda arooska, markii uu yimaado oo albaabka garaaco isla markii ayey istaagaan oo albaabka ka furaan.


Aroosada waxaa leh ninka arooska ah. Ninka malxiiska ahna isaga ayuu dhageystaa, wuuna ku farxaa markii uu maqlo codkiisa. Sidaa darteed ayaan u faraxsanahay.


Waxaan idin kaga hinaaseysanahay hinaaso Illaahiyan ah. Waxaan idin ka ballan qaaday hal nin oo ah Masiixa, si aan idiinku dhiibo isaga sidii bikro daahir ah.


Waayo ninku waa madaxa xaaskiisa sida uu Masiixu u yahay madaxa iyo badbaadiyaha masiixiyiinta kuwaasoo ah jirkiisa.


Halkan waxaa ku jirta sir weyn, laakiin waxaan u fahmay in macnaheedu yahay Masiixa iyo kaniisadiisa.


Waayo anaga oo Illaahey ku caabudna Ruuxa ayaa ah kuwa runta ah ee gudan. Waxaan isku halleynaa waxa Ciise Masiix noo sameeyay. Kumana kalsoonin dadaalka binu aadanka.


Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen.


Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Arintan qor. Waxaa barakeysan kuwa laga casuumay dabaaldegga arooska Wanka.” Wuxuuna ku daray, “Kuwani waa ereyada runta ah ee Illaahey ka yimid.”


Waxaanna arkay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem cusub taas oo samada xagga Illaahey ka imaaneyso, iyadoo u diyaarsan sida aroosad oona u labisan ninkeeda.


Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee hayay toddobada baaquli oo ey balaayada ka buuxday ayaa yimid oo igu yiri, “Kaalay, aan ku tusee aroosada, xaaskii Wanka.”


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan