Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -




Muujintii 19:12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub

12 Indhihiisuna waxey u ekaayeen sida holac dab ah, madaxiisana wuxuu ku watay taajaj badan. Waxaana isaga ku qornaa magac uusan qofna aqoonin waxaan isaga ka ahayn.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

KITAABKA QUDUUSKA AH

12 Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac

Kitaabka Quduuska Ah

12 Oo indhihiisuna waxay u ekaayeen ololka dabka, madaxiisana waxaa u saarnaa taajaj badan; oo waxaa ugu qornaa magac aanu ninna aqoon isaga mooyaane.

Faic an caibideil Dèan lethbhreac




Muujintii 19:12
25 Iomraidhean Croise  

“Aabahay ayaa wax walba i siiyay. Cidna ma garaneyso Wiilka Aabaha maahee, sidoo kalana cidna ma garaneyso Aabaha Wiilka iyo kuwii uu doorto inuu u muujiyo maahee.


“Gabadha Siyoon ku dhaha, ‘Fiiri, boqorkaagi wuu kuu imaanayaa, isaga oo qalbi dabacsan oo dameer saaran, wuxuu imaanayaa isaga oo saaran qayl dameer.’ ”


Markaas ayuu Ciise iyagii u yimid oo ku yiri, “Awood oo dhan ayaa samada iyo dhulka la iga siiyay.


“Aabahay ayaa wax walba i siiyay. Cidna ma garaneyso Wiilku qofka uu yahay Aabaha maahee, sidoo kalana cidna ma garaneyso Aabuhu qofka uu yahay Wiilka iyo cidii uu doorto inuu u muujiyo maahee.”


Waqti dheer aduunka ma sii joogayo, laakiin iyagu weli aduunka ayey joogaan. Aniguna waan kuu imaanaya. Aabe Quduusow, ku ilaali xoogga magacaaga, magacaad aniga i siisay, si ey mid u ahaadaan sida aan anaguba mid u nahay.


Markaan la joogay waan ilaalin jiray iyaga, waxaan iyaga ku hayay magacaad aniga i siisay. Midkoodna ma lumin waxaan ka ahayn kii loogu talagalay inuu lumo maahee si uu qoraalku u rumoobo.


Wuxuuna ka dhigay mid ka sareeya xukun walba iyo awood walba iyo maamul walba iyo magac walboo lagu baryo. Wuxuu hogaamiyaa abuurka aduunkan oo dhan sidoo kalana wuu hogaamin doonaa weligiis.


Waxaan aragno waa Ciise, kaasoo in muddo yar ah laga hooseysiiyay malaa’igta. Illaahey nimcadiisa ballaaran darteed ayuu Ciise ugu dhintay qof walba. Haddana maadaama uu ciise silcay uuna dhintay, waxaa taaj looga dhigay ammaan iyo sharaf!


Timaha madaxiisana waxey u cadaayeen sida suuf iyo baraf, indhihiisuna waxey ahaayeen sida holaca dabka ah.


Kadibna waxaa samada kasoo muuqday calaamad kale, waxaan arkay masduulaa weyn oo gaduudan wuxuuna lahaa toddobo madax iyo toban geesood, madaxiisana wuxuu ku watay toddobo taaj.


Masduulaagii wuxuu taagnaa badda qarkeeda, kadibna waxaan arkay bahal badda kasoo baxaya. Wuxuuna lahaa toban geesood iyo toddobo madax, toban taaj ayuuna ku watay geesihiisa, madax walbana waxaa ku yaalay magac caay ah.


Dharkiisa iyo bowdadiisa waxaa ku qoran magacan. Boqorka Boqorrada iyo Sayidka Sayidyada.


Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa.


Markaan fiiriyayna waxaan arkay faras cad oo i hor taagan. Midka wadana wuxuu hayay qaanso, waxaana la siiyay taaj, wuuna tagay si uu ugu soo guuleysto dagaallo badan oo uu guusha u helo.


Lean sinn:

Sanasan


Sanasan